Faarax Cali Shire oo ka hadlay Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Puntland [Daawo]
GAROWE, Puntland- Wasiirkii hore Wasaaradda Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire ayaa si faah faahsan uga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan marxaladaha ay wajahday xukuumadda hadda jirta iyo waxqabadkii xukuumaddii uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Farole.
Faarax Cali Shire oo haatan ku sugan waddanka England ayaa sidoo kale si waafi ah uga hadlay Jaahwarerka lacagta Shiling Soomaliga, Amniga, Siyaasadda gudaha iyo dibadda.
Isagoo ku hormaray wax qabadkii xukuumaddii uu katirsanaa, wuxuu yiri, “Dowladdii Cabdiraxmaan Farole Team ayay ku dhisnayd mana jiri dhaqaale badan oo waddanka yaallay, laakiin, wax badan ayaan wax ka qabanay, Amniga, dhaqaalaha, Dib u dhiska, dib u heshiisiintan ayaan wax ka qabanay, dagaallo badan ayaan la galnay nimankaas nabad diidka ah, waxaan galnay oo aan wax ka qabanay raadintii dowlad Somaaliyeed, oo waxaan qabanay shirarkii Garowe 1 iyo Garowe 2, oo waxaana qabanay oo waxbadan ka samaynay Puntland Dastuurkeedii oo aan ansixinay oo aan qornay oo cod loo qaaday, waxaan bilownay nidaamka Xisbiyada badan ee dowladda Puntland ku tillaabsatay inay hirgaliso laakiin dhicisoobay,” Ayuu yiri Faarax Cali Shire.
Mar uu ka hadlayay waxyaabaha isbadalay marka laga hadlayo dhinaca ammaanka iyo doorka ay kala siiyeen xukuumaddii hore ee Cabdiraxmaan Farole iyo midda hadda jirta ayuu Faarax Cali Shire sheegay, “Marka laga hadlayo waddan hormarkii kow waa in la helo amni, dadku waa inay amni ku seexan karaan, dadku waa inay amni ku maalgashan karaan, inkastoo Puntland tan iyo burkii Soomaaliya ay ahayd meel nabad ah, hadana waxaan xoogga saarnay sidii aan amniga wax uga qaban lahayn oo isbadan ugu samayn lahayn, waxaan nimi iyadoo Puntland xoog ku leeyihiin nimankaan nabad diidka ah oo waad ogtahay dagaalladii aan la galnay, waxaa iyana xusid mudan resource-ga loo baahanyahay markaas oo ahaa in rasaas la helo, in mushahar la siiyo ciidamada, ciifimaadkooda, waxaas oo dhan ayaa loo baahnaa si cadawga meel kasta kaaga furan la isaga difaac. Waad ogayd waqtigaas waddanka Soomaaliya waxaa saarnaa Cunaqabatayn dhinaca hubka ah oo ay adagtahay inaan helno tasiilaadkaas oo dhan. Marka la eego waqtigaan hadda anagu waxaan is oran karnaa 5 tii sano ee aan xafiiska joogtanay kamaba aanan nasan dagaal.”
Mar uu ka hadlayay sababta keentay in magaca Puntland kor u kaco laga barto caalamka oo ay ka dhex muuqato siyaasadda Somaliya, waxa uu yiri wasiirkii hore maaliyadda Puntland, “Siyaasadii dibadda ee Puntland waxaan ka dhignay inay noqoto mid laga barto caalamka oo dhan, heer dadka qurba joogta ah ee waddanka dibadiisa joogay ay bartaan Puntland cusub, ay bartaan Puntland Calan leh, ay bartaan Puntland ciidan lah, Puntland TV leh, Puntland wax kasta haysata, oo ah waxa kaliya ee Dowladnimada lagu garto, waxaan ku samaynay waqtigaas kooban iyo Resource-gaas yar, waxaana keenay is-xilqaanka iyo daacdnimada ka jirtay dadkii waqtigaas xukunka hayay.”
Faarax Cali Shire ayaa sidoo kale ka hadlay Jaahwareerka Lacagta Sh. Soomaaliga ee ay wajahday xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas, taasoo keentay in dibadbaxyo ka dhacaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, lacagta oo lakala sooco iyo dowladda oo lagu eedeeyo inay diiday ku qaadista Canshuurta lacagta dalka, taasoo bannaanka usoo baxday markii Sh. Soomaali cusub lagu daabacay Bosaso.
“Horta Anagu 5 sano ayaan joognay wax lacag ah ma daabicin, dowladdii naga horaysay way daabacday oo waa tii dadkii ku kacay, oo dhaqaalihii lagu beelay, oo culimadii kacday oo mashiinadii la keenay dekedda laga dhoofiyay, oo waraaqihii laga samayn jiray la gubay 2008-kii, waa la socoteen waxaas oo dhan, laakiin xilligayagii Madaxweynihii talada hayay Cabdiraxmaan Farole iyo xukuumaddiisii waxay ahayd wax ka caagan amaba ah waxaan laga hadli karin, waayo waxaan u arkaynay wax ah been abuur iyo wax ay ku bur-burayso dhaqaalaha yar ee dadku haystaan. Runtii markii ugu horaysay Sh. Soomaali ayaan Canshuurta ku qaadi jirnay Sh. Soomaaliya ayaana mushaharka ku bixin jirnay, waxaan isticmaalno oo dhan Sh. Soomaali ayay ahayd, Doollarku nooma ahayn wax muhiimad ah ee waxaan ka dhigaynay War Soomaali baan haysanaaye isaga ha la isticmaalo, hase yeeshee 2011-kii November, abaartii ka dhacday Koonfurta Soomaaliya waxay keentay in Beeshaa Caalamka lacag badan oo Doollar ah waddanka keenaan, arrintaas waxay keentay in Doollarkii Sabeeyo oo Sh. Soomaaligii qaali noqday oo la waayay, cid soo daabacday anaga iyo Koonfurtana ma jirin, taasi waxay keentay in ganacsatadayadii lacagtii raraan oo Koonfurta Geeyaan iyagoo aan ka fakarin dhibka ay keeni karto, taaso waxay kaliftay in Shillinkii Yaraado oo Dollarkii 30% hoos u dhaco, marka sidaas dhacdo dowladdu waxaa laga doonayaa inay lacag daabacdo ama ay xarayso midd suuqa ku badan, laakiin taas midna ma aynaan samayn karin, waxaan samaynay waxay noqotay marka in Dhakhligii aan u badalno dollar oo 60% waxaan Canshuurta ku qaadnay Doollar, inta kalena Soomaali, markaa Soomaaliga waan xaraynaynay, waxaan mushaharka ku bixinaynay Doollar, marka Soomaaligii waa soo xero galay.”
Isagoo ka hadlaya farqiga maanta jirana wuxuu yiri, “Maanta taas waa ka duwantahay Puntland lacag ayaa lagu daabacay dowladda joogta ayaan daabacday, wax waadix ah oo lag ogyahay weeye, Koonfurta meelaa looga daabacay, tartiib tartiib bay usoo koraysay, laakiin muddo dhaweyn oo laba bilood laga joogo Sh, Soomaligu cirkuu galay, doollarkiina waa la waayay, sababtoo ah doollarka waddanka soo gala waa iska yaryahay, xoolihii la dhoofin jiray majirto, lacagtii ay bixin jirtay beesha caalamku waa iska yaraatay, lacagtii dadku soo xawili jirtay wuu yaraaday, adduunka dhan ayaa noqday mid dhaqaalihiisu soo yaraanayo. Koonfurta meelo badan ayaa lacag laga daabacay, Cadaado ayaa laga daabacay Koofurtana meelaha qaybtood waxaa ku xoog badan nimanka nabad diidka ah, nimankaas waxay mamnuuceen in la qaado Sh, Soomaali, markii la mamnuucayna lacagtii waa lasoo raroo Puntland baa la keenay sababtoo ah Puntland baa sh, Soomaali isticmaasha kadib wixii cirka ayay galeen oo 100$ wuxuu gaaray 3,500 kun Sh, Soomaali ah, dadkii marka wax haystay waxoodii waa waayayaan, halkaas weeye marka meesha dhibaatadu ka haysato Puntland oo keentay dhaqaalo xumo, amni xumo, waayo waxaan anigu qabaa shakhsi ahaan dowladdu masiin muhiimaddii uu lahaa amniga oo muhiimadda koowaad uma ah, dadkiina lama ilaalin wixii ay haysteen, waayo waagii aan anagu joognay dadka waan dhowraynay sababtoo ah dowladdu waxay leedahay wixii shacabku haysto.”
Dowladda ayuu ugu baaqay inay joojiso lacagta ay daabacayso, islamarkaana xarayso lacagta suuqa ku jirto, wuxuuna intaas ku daray in la xiro xuduudaha iyo lacagaha laga keenayo meelaha ka baxsan Puntland si xal loogu helo dhibka ka taagan waddanka.
Faarax Cali Shire ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda xukuumaddii uu katirsanaa ay siisay sidii lagu helli lahaa dowladda dhexe oo awood badan iyo sidii Puntland ay hormuud ugu noqon lahayd Soomaaliya inteeda kale, ayaa xusay in dadaal badan ay ku bixiyeen taasoo keentay in guulo badan lagasoo hoyiyo shirarkii Garowe.
Shire ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in dhibaato badan ay kala kulmeen sidii loo ilaalin lahaa Dastuurka dalka maadaam dowladdii Xasan Sheekh faro galin badan ku samaysay taasoo sida uu hadalka u dhigay aysan Puntland cidna ku taageerayn difaacista Dastuurka dalka.
Xukuumadda Puntland ee hadda xafiiska joogta ayuu ku dhaliilay inaysan hormuud ka ahayn siyaasadda dalka, balse ay tagto shirarka kasocda Xamar, wax walbana ay kasocdaan Muqdisho, taasina ay keentay in awoodii Puntland noqoto inay taageerto ama ay diido wixii ajanda ah ee la wado, taasina ay lumisay heerkii Puntland waqtigaas joogtay.
Wasiirkii hore Maaliyadda Puntland ayaa hadalkan ka sheegay Barnaamij galabta ka baxay Somali Cable, wuxuuna kusoo aaday xilli Faarax Cali Shire u sharaxanyahay Madaxweynaha Puntland doorashada la filayo inay dhacdo 2019 inkastoo uusan wali si rasmi ah u shaacin.Inkastoo su’aal uu weydiiyay qof khadka taleefonka Barnaamijkaas uga qayb galay oo ku aadanayd inuu sharaxanyahay ugusoo koobay waqtigeeda ha la gaaro iyo “Saadaa Samo leh”.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka oo lagu baahiyay Bogga Facebook Soomaali Cable
GAROWEONLINE