Fahmaka dastuurka Puntland iyo saameynta ku leeyahay xalinta khilaafyada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Saaxadda siyaasadda ee dowladda Puntland ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo la xiriira hanaanka geeddi-socodka doorashada ee lagu muransanyahay, iyo rabitaanka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee ku aadan furista dastuurka.

Marka la eego dhinaca doorashada, xisbiyada mucaaridku waxay ku doodayaan in doorashada qof iyo codka ah laga golleeyhay muddo kordhin, iyada oo Madaxeynaha uusan la tashan saamileyda siyaasadeed, arrintaas oo gogol xaar u noqon karta musuqmaasuq baahsan.

Khilaafkan dastuuriga ah ayaa sababay in ay si weyn u kala qaybsamaan muwaadiniinta Puntland iyo hay’adaha siyaasadda, kaasi uu xitaa saameeyey ciidamada amaanka.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo ay jiraan isku dhacyo siyaasadeed, ayaa waxa soo ifbaxay ifafaale rajo ah oo la xiriirta isbeddelka muuqda ee ku aadan fahamka dadka ku dhaqan Puntland ay ka qabaan Dastuurka.

Doodaha ku saabsan dastuurka ayaa sii xoogeysanaya, iyada oo fahamka sii kordhaya ee muwaadiniintu ka qabaan dastuurka uu si togan u saameeyey mawqifka ay ka qaateen isku deyga dowladda ee furista dastuurka.

Waagii hore, fahamka dastuurka waxa uu ku koobnaa qeyb yar oo bulshada ka mid ah, taas oo dad badan dareensiineyey in laga saaray hab-raacyada go'aan qaadashada, balse wakhtigan muwaadiniintu waxay si firfircoon uga qaybqaateen doodaha, iyagoo fahmaya saamaynta ay arrimaha Dastuurka ku yeelan karto mustaqbalkooda siyaasadeed.

Markii ay Shacabka Puntland is bareen xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah, waxay la yimaadeen dareen in ay wada leeyihiin nidaamka dawladnimo. Fahamkan cusub waxa uu muwaaddiniinta u sahlay in ay aragtidooda dhiibtaan, oo ay dalbadaan in go’aanadda siyaasadeed lagu gaaro hab loo dhan yahay.

Sidoo kale, go’aanka mucaaridku inay ku dhaqmaan habab sharci ah ayaa hoosta ka xariiqaysa saamaynta wanaagsan uu bulshada u leeyahay fahamka dastuurka, iyaga oo Maxkamadda Dastuuriga ah u maray ka hortagga go’aanka Deni ee furista dastuurka, halkaas oo ay ku muujiyeen in ay ka go'an tahay ilaalinta mabaadi'da dimuqraadiga ah.

Isbeddelkan oo looga guurayo isku dhacyada hubeysan, ayaa muujinaayo in dadku ay si isa soo taraysa u qaadanayaan in nabadda la ilaaliyo oo xal sharciga waafaqsan laga gaaro khilaafyada siyaasadeed.

Waxaa intaa dheer, fahamkan sii kordhaya ee dastuurka ayaa kobciyay wacyiga siyaasadeed ee muwaadiniinta. Markii ay ogaadeen dhibaatada ka dhalan karta go'aamo hal dhinac ah, waxay noqdeen kuwo aad u naqdiya oo ka feejigan ficillada dowladda.

Taasi waxay keentay in muwaadiniinta ay soo jeediyaan baaqyo ku aaddan isla xisaabtanka, hufnaanta iyo gaaridda maamul loo dhan yahay, iyadoo xoogga la saarayo muhiimadda ay leedahay in dadweynaha laga qaybgeliyo go'aannada masiiriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM