Farole oo si kulul uga hadlay dagaalka Galkacyo [Dhagayso]
GAROWE, Puntland- Murashaxa madaxweynaha dowladda Federaalka islamarkaana ah Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee dalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.
Dr. Farole, ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dhiigga ku daadanaya magaalada Galkacyo, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaas oo uu sheegay inay wadaan dad wax magarato ah.
Labada maamul ee kataliya Galkacyo, ayuu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii maslaxad loogu soo tabaali lahaa gobolka, wuxuuna ugu baaqay inay wax ka qabtaan shakhsiyaadka colaadda hurinaya ee labaga garab ka kala tirsan.
Dhinacyada isku hor-fadhiya degmadaas, ayuu u sheegay inay dhibka ka daayaan dadka maatada ah oo aysan barakicin dhallaanka, waayeelka iyo hooyooyinka marxaladda adag ku jira.
Madaxda dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Somalia, ayuu ka codsaday inay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda looga joojin lahaa dadka Somaliyeed ee sida micno darrada ah ugu dhimanaya dagaalkaas.
Mudane Farole, ayaa intaas ku daray in isaga iyo xubno kamid ah Aqalka sare ee dowladda Somalia dadaal ugu jiraan sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada labada dhinac islamarkaan nabad loogu wada daganaan lahaa magaalada Galkacyo.
Ciidamada labada maamul ee iminka is horfadhiya ayuu baaq usoo jeediyay isagoo ka codsaday inay joojiyaan dagaalka.
Baaq Farole ayaa kusoo beegmaya xilli ku dhawaad 70 ruux ku geeriyoodeen dagaal labada dhinac dhexmarayay muddooyinkii dambe iyo bur-bur ku yimid hishiis dhexmaray madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug
GAROWEONLINE