Faroole iyo Gaas oo ka hadlay doorashada 'qof iyo cod' ee Puntland

Image
Labada madaxwayne ayaa ka waramay caqabadaha hadda jira, cawaaqibka go'aan hal dhinac ah iyo sidda lagu hirgelin karo dimuqraadiyad.

GAROWE, Puntland - Madaxwayneyaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiwali Gaas, ayaa ka hadlay geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland iyo xaaladaha ku wareegsan.

Labada madaxwayne ayaa ka waramay caqabadaha hadda jira, cawaaqibka go'aan hal dhinac ah iyo sidda lagu hirgelin karo dimuqraadiyad.

Labada mas'uul oo la hadlay barnaamijka Dooda Jimcaha ee BBC-da ayaa soo jeediyay in nidaamkan iyo hirgelintiisa fursad loo siiyo dowladda soo socota maadaama daruufo badan ay jiraan.

Go'aan hal dhinac ah oo lagu dayo in lagu dhaqaajiyo barnaamijkan ayay tibaaxeen in uu keeni karo xasilooni darro siyaasadeed iyo khilaaf horleh.

Faroole oo carabka ku dhuftey in aan la aqbali karin in barnaamijkan la shaqsiyadeeyo ayaa ka digay isku day kasta oo boob ah.

"Doorasho iyo dimuqraadiyad mahan waa Boob iyo musuq maasuq dowladu u soo harag badalatay oo ay rabto in ay wax ku boobto," ayuu yiri Faroole oo hadda ah Senator Aqalka Sarre ah.

Wuxuu sheegay in Bosaaso iyo Gaalkacyo sanado ay maamul la'aan yihiin Garowena maamulkeedii oo shaqo fiican haya dano gaar ah loo kala diray oo madaxwayne Deni maamulihiisa Madaxtoyada keensaday "taasna makhraanti ka tahay halka uu socdo aysan ahayn doorasho iyo Dimuqraadiyad ee tahay boob iyo musuq maasuq".

Senator Faroole wuxuu sheegay in aysan suragal ahayn in Puntland doorasho laga qabto mudada hartay iyo duruufo is biirsaday aawadeed.

Dhankiisa, madaxwayne Gaas wuxuu sheegay in aysan Puntland u baahnayn kalmad xaqa oo baadil loo isticmaalo, wuxuu sheegay in madaxwayne Deni looga fadhiyo 08/01/2024 in doorashadu madaxwaynuhu dhacdo.

"Puntland u ma baahna doorasho dhib siyaadisa oo xidida qabyaalada waaraabisa; maxkamad dastuuri ah ma jirto midii sarana shaqayn mayso, guddi doorasho oo madax banaana ma jiro waana sababta uu ay isu-casileen gudoomiye Guled Salah iyo ku xigeenkiisii," ayuu qeexay.

Wuxuu raaciyey: "Anaga ma diidanin in doorasho qof iyo cod ah in ay ka dhacdo Puntland. Laakiin waqtiga iyo daruufta ma jito [ma ogolaaneyso]; waana in aan la dhaafin sunada caadada noo ahayd ee 8-da Janaayo".

Doorashadda lagu muransan yahay ee goleyaasha degaanka Puntland ayaa ka dhashay markii musuqmaasuq ay hareeyeen coddeyntii saddexda degmo ee tijaabada ahayd waxaana daneeyayaasha ku taliyeen in la hakiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM