Firdhiye oo shuruud adag ku xiray sii deynta maxaabiista Somaliland

Image
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xusay in Hargeysa ay ka haayaan in ka badan 292 maxbuus.

GAROWE, Puntland - Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, C/qaadir Jaamac Aw-cali Firdhiye, ayaa Arbacadii ka hadlay shuruudo lagu sii dayn karo maxaabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.

Mr. Firdhiye ayaa xusay in maxaabiista ciidamada Somaliland la sii dayn doono oo kaliya marka la gaaro heshiis nabadeed oo dhameystiran, isla markaana maamulka Somaliland uu joojiyo daandaansiga ay ka wadaan deegaanada la isku yiraahdo SSC-Khaatumo (Sool, Sanaag, iyo Cayn).

Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisa uu hadda gacanta ku hayo in ka badan 292 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Somaliland kuwaas oo ku xiran labo xabsi oo ku yaala magaalada Laascaanood.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mid ka mid ah maxaabiista uu u dhintay dhaawac, halka labo kale oo dhaawacoodu culus yahay loo soo gacan geliyay qoysaskooda iyadoo soo marisay ICRC.

Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii ciidamada SCC-Khaatumo ay xoogaga Somaliland ka saareen deegaanada SSC iyo Khaatumo oo muddo sideed bilood ah ay labada dhinac ku dagaalamayeen.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayey maalin ka dib markii ciidammada SCC ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga ugu weyn ee Somaliland ee Goojacade oo ka baxsan magaalada Laascaanood, ayaa qiray in dib u dhac weyn ay ciidamadiisu kala kulmeen dagaalladii ka dhacay agagaarka magaalada Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM