Gaas oo amray in laga guuro dhismeyaasha dowladda Galkacayo

Image

August 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli degmada Gaalkacayo ku sugan ayaa soo saarey wareegto uu ku amrayo in laga guuro dhismaayaasha dowladda ee sida sharci darrada ah loo degen yahay.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha ay khuseyso in ay arrintaas sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan, waxaana dadka loo muddo kooban.

Boqollaal kamid ah dadweynaha Gaalkacayo ku nool ayaa deggen guryo iyo dhul ay lahaan jirtey dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Qoraalkaan amarka ah in laga baxo guryaha ayaa dadweynaha degan degmada Galkacayo siyaabo kala duwan u arkeen iyadoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in dowlada qorsheyneyso in dhulkaan iibiso.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweynaha Puntland qorsheynayo in qaar ka tirsan dhulkaan oo ku yaal meelaha ugu muhiimsan magaalada laga iibsho dad ganacsato ah iyadoo lacagta kasoo baxda la sheegey in wax looga qabanayo garoonka diyaardaha Galkacayo iyo dhisme madaxtooyo oo ay yeelato magaalada Galkacayo.

Kulan dhexmarey qaar ka tirsan odoyaasha magaalada Galkacayo iyo madaxweynaha Puntland habeenkii xaley 16 August,2015 ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha Puntland lagaga codasadey in mashaariicda lagu maalgalinayo dhulkaan dowlada lacago kale u raadiso balse aan la iibin dhismyaasha dowlada.

Dadweynaha magaalada Galkacayo ayaa waxaa horey u soo marey dhul dowlada leedahay oo la iibiyey kuwaasoo lacagtii laga heley aysan dib ugu noqon hurumarinta magaalada iyo mashaariic la xiriirta arrimaha buslahada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM