GAAS: DF ayaa faragelin ku heysa doorashada Puntland, oo Camey u adeegsanaysa

Image

GAROWE, Puntland - War-Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaadey ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn culus loogu jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin iyo khal-khal siyaasadeed ku heyso doorashada maamulkan, iyadoo u adeegsanaysa Madaxweyne ku xigeenka.

Cabdiweli Gaas ayaa ku xigeenkiisa, Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ku eedeeyay inuu meel iska dhigay mas'uuliyadii uu u hayay Puntland, islamarkaana ka doorbiday danno u gaar ah iyo fulinta awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasiloonida, oo laga soo faray Muqdisho.

"Waxaa xaqiiqo ah in Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu in muddo ah uu meel iska dhigay mas'uuliyadii uu u hayay dowladda Puntland, kana doorbiday danno gaar ah iyo fulinta awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Puntland, lagana soo farayey Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Gaas iyo Camey ayaa dhawaan isku qabtey magacaabida guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Puntland, oo hadd soo xulistooda socoto.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM