​Gaas iyo Guuleed oo diyaarad kasoo wada raacay Dubai

Image

DUBAI, UAE- Qaar kamid ah madaxda maamullada dalka Somalia ee ku shirsanaa magaalada Dubai ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa sakaa u soo safray deegaanada ay ka arrimiyaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed-ka Galmudug, ayaa diyaarad khaas ah soo wada raacay, waxaana weheliya madaxweynayaasha Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdiwali Gaas, ku wajahanyahay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, halka mas'uuliyiinta kale tagi doonaan, Muqdishu iyo Cadaado.

Madaxda soo safartay, ayaa muddo ku sugnaa waddanka Imaaraadka iyadoo aan war rasmi ah laga hayn sababta ay halkaas u joogeen, balse xogo uu helayo Warsidaha Garowe, Online, ayaa sheegaya inay isku fahmi waayeen qaar kamid ah qodobo ay ka hadleen oo ay ku jirto doorashada Somalia.

Waxaa sidoo kale kulankaas qayb ka ahaa dadaal lagu doonayay in Gaas iyo Guuleed kawada hadlaaan xaaladda magaalada Galkacyo oo muddooyinkii dambe isku hor fadhiyeen ciidamo ka kala tirsan labada maamul.

Warar aan la xaqiijin karin oo Warsidaha Garowe Online, ka helay saraakiil ka agdhawaa shirkaas, ayaa sheegaya inay hishiis hordhac ka gaareen arrinta magaalada Galkacyo iyagoo isku raacay sida xogtaas sheegayso in la joojiyo, Xabadda, ciidamada la kala qaado islamarkaana labada dhinac soo magacaabay guddiyo kawada xaajooda khilaafka.

Hishiiskaas aan la xaqiijin oo lahayn wax saxiix ah, ayaa lagu sheegay in 20 bisha November, isugu yimaadaan magaalada Kismayo xarunta Jubbaland.

Baraha Internet-ka ayaa sidoo kale lagu baahiyay waraaq ku cadyihiin arrimahaas oo aysan ka muuqan wax saxiix ah.

Dhinaca kale, madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ku celiyay in magaalada Galkacyo aysan kawada talin doonin labo maamul, kaasoo lamid ah hadal oo bishii hore ka sheegay xarunta gobolka Mudug.

Arrintan, ayaa timid iyadoo aysan wali labada maamul wax wada hadal ah ka yeelan xaaladda magaalada Galkacyo marka laga yimaado hishiis ay wada galeen sannadkii hore dabayaaqadeedii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM