Gaas oo amrey in la weeraro xabsiga dhexe ee Boosaaso - Fahfaahin.

Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa galabta weerar ku qaadey xabsiga dhexe ee magalada Boosaaso kadib markii ay gadood sameeyeen askartii gacanta ku haysay xaruntaas.

Ciidamada lagu weerarey xabsigaan ayaa wararku sheegayaan iney ka cabanayeen in muddo ah mushahar la’aan baahsan oo sababtey iney gabi ahaan xabsiga kala wareegaan sarakiisha xakuntaas ka talineysay.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay rasaas wiifto ah oo haleeshay, sida illo ku dhaw saraakiisha amniga Boosaaso u sheegeen GO.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamadaaan madaxda maamulka Puntland maanta galinkii hore Sep 27,2018 ka diideen iney ka qataan mushahar Labo bilood ah iyagoo dalbadey in 4 bilood laga siiyo mushaharaadka ka maqan.

Xabsigaan oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis baddan oo laga qabtey kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa sida warsidahaan ogaadey waxay khasab noqotey in la weerao kadid markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamadaan dowladda gadoodsan maxaabiista ooda ka qaadayaan caawa.

Ciidamada weerarey xabsigaan oo isugu jirey Madaxtooyada iyo PSF ayaa weerarka ay dib ugu qabsadeen xabsigaan ku diley Hal Maxbuus halka tiro askartii gadoodey dhaawacyo kala duwan soo gaareen. 

Gaas muddo xileedkiisa ka dhiman tahay muddo xileedkiisa 3 bilood ayaa xildhibaano soo xulinayaan beelaha daga maamulkaan waxay Jan 9,2019 dooran doonaan Madaxweynaha hogaamin doona maamulkaan 5-ta sano ee soo socota.

Maamulka Puntland ayaa waxaa lasoo gudboonaadey Shantii Sano ee lasoo dhaafey mushahar la'aan sababtey in hay'adaha amniga fadhiid noqdaan taasoo ugu dambeyn sababtey in ciidamo ka tirsan dowlada weeraraan mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan jiritaanka hay'adaha ilaalilnta sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM