Gaas oo Bosaso ku wajahan, maxay tahay ujeedada socdaalkiisu?

Image

May 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo wajahan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Ila-wareedyo ka agdhow Madaxtooyada Puntland ayaa Garowe Online u xaqiijiyey warka ku saabsan safarka madaxweynaha.

Ujeedada socdaalka Cabdiweli Gaas ku tegi doono Bosaso waxaa ugu muhiimsan sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda amniga isagoo la kulmi doona saraakiisha amniga, islamarkaana  kala hadli doona sidii ay wax uga qaban lahaayeen cabasho dadweynuhu ka muujiyeen ciidamada Birmadka ee dhowaan magaalada soo gaarey, kuwaasoo habeenkii sameeya hawlgallo lagu baarayo dadka iyo gaadiidka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muddada uu Bosaso ku sugan yahay la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan isimmada iyo waxgaradka, waxaana kulankaas intiisa badan diiradda lagu saari doonaa tabasho beelaha gobolka Bari qabaan iyo guux siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyey soo shaac baxay.

Wuxu sidoo kale kormeeri doonaa mashruuca lagu dhisyo garoonka diyaaradaha ee Bosaso oo xilligan si habsami leh ku socda isagoo xog wareysi la yeelan doona madaxda shirkadda Shiineyska ah ee dhiseysa garoonka.

Booqashada Galkacayo:

Madaxweynaha Puntland marka uu soo afjaro booqashadiisa Bosaso wuxuu uga sii gudbi doonaa dhanka magaalada Galkacayo, halkaasoo horraanta bisha soo socta ee June uu ka furmi doono shirkii loogu magac daray Shirka Wada-tashiga Puntland.

Shirkaas oo dib uga dhacay waqtigii horay loo shaaciyey inuu qabsoomi doono, ilaa iyo hadda lama shaacin ajandeyaasha ugu muhiimsan ee muddada uu socdo lagu gorfeyn doono.

Hay'adaha Inter Peace iyo PDRC oo shirka maalgelinaya islamarkaana qorshuhu ahaa inay agaasinkiisa yeeshaan ayaa u muuqda kuwo aan kaalin muuqata ku lahayn qaban-qaabada shirka iyo diyaarinta ajandeyaasha midna.

Beelaha qaar ayaa qaaddacay shirka, kaddib markii ay saluugeen qaabka loo qaybiyey ergooyinka ka qayb gelaya. 
Isimmada intooda badan casumaad ayaa loo fidiyey waxase suurogal ah in qaarkood shirka imaan waayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM