Gaas oo Cafis dalbaday xilli uu xukunka ku wareejiyay Deni [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], Madaxwaynihii hore ee Puntland, kaasi oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka jeediyay qasriga Madaxtooyada khudbadiisii ugu dambeysay.

Gaas oo ku guda jiray hadal-jeedintiisa ayaa si aan gambasho lahayn wuxuu cafis uwaydiistay cid kasta oo isaga ka tirsanaysa gaf iyo xumaan mudadii shanta sano ahayd ee uu xafiiska joogay.

"Dalabkaasi cafiska ah waa mid niyada hugmaysay [ruxaysa]…marka cafiskaasi ayaa ka codsanayaa dadka meel kasta oo ay joogaan...marka aan is-cafino dadka reer Puntland meel kasta oo aad joogtaan," ayuu yiri Gaas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu balanqaaday Gaas inuu si dhow ugala shaqayn doono Madaxwaynaha cusub Saciid Cabdullaahi Deni wax kasta oo ku aadan horumarinta dowladda Puntland.

Gaas oo ahaa Madaxwaynihii 4aad ee DPL ayaa lagu xasuustaa maamulkiisa inuu ahaa midkii ugu musuq-maasuqa badnaa, mid aanan ku guuleysan fulinta balamihii uu qaaday iyo bixinta mushaaraadka ciidamada.

Hadalka Gaas ee aadan cafiska ayaa waxaa horey usoo jeediyay ku xigeenka Cabdixakiin Xaaji Cumar [Camey] kaasi oo qiray inay shacabka Puntland ka galeen gafaf looga baahan yahay inay ka boogadhayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM