Gaas oo dhoofay, Sharmaarke iyo Madoobe oo Garowe ku sugan

Image

July 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka safar aan horay loo shaacin ugu ambabaxay dalka Kenya, xilli ay magaalada Garowe ku sugan yihiin Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo iyagu ku hawlan xal u helista xiisadda ka taagan deegaanka Qarxis.

Gaas oo si kooban warbaahinta ula halday, wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay mid shaqo isagoo xusay inuu kulammo kaga soo qayb geli doono magaalada Nairobi.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay weli socdaan dadaallada nabadeynta ee la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan deegaanka Qarxis, halkaasoo muddo labo bilood ku dhow isku hor fadhiyaan ciidamo gadoodsan iyo ciidan kale oo dowladdu deegaankaas u dirtay.

Waan-waanta oo markii hore isimmada Puntland ku jireen waxaa todobaadkii lasoo dhaafay kusoo biiray welina arrintaas darteed Garowe ugu sugan Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Wada-hadalka ayaa meel fiican maraya inkastoo weli ay jiraan qodobada qaar oo laysku mari la' yahay.

Arrinta dadku aadka wax isaga weydiinayaan ayaa ah in  Mudane Gaas si kedis ah dalka dibaddiisa ugu dhoofay xilli kulammo xasaasi ahi Garowe ka socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM