Gaas oo isku tilmaamey Khadar si hoose-na u sheegey musharaxnimadiisa [ DAAWO]

Image

QARDHO - Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo magaalada Qardo ee gobolka Bari kaga qaybgalay munaasabada lagu daah-furay isbitaal cusub ayaa si maldahan uga dhawaajey inuu murashax u yahay doorashada Puntland 2019.

Isbitaalka uu xariga ka jaray Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday oo ay ku baxday aduun lacageed dhan $321.000 [saddex boqol labaatan iyo kow kun] ayaa isugu jirta deeq dowladdu bixisay iyo lacago shacabka laga soo ururiyay.

Gaas oo marar badan fagaare ka sheegey inaanu isa soo sharixi doonin, ayaa mar kale si baqdini ku jirto ugu dhawaaqay damaca uu ka qabo in dib loo doorto.

“Doorashada waligeed waxay dhici jirtay 8-da Janayo..dadka Puntland waxaan u sheegayaa in doorasho fiican oo xor ah, oo xalaal ah, oo kasii fiican kuwii hore baa dhici doonto Insha Allah…Hadii aad Khadarkiina [Isaga] soo ceshataan waa Alxamdulilaah….Hadii mid kale aad keen-sataana waa mid [furan],” ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa magaca uu isugu yeerey waxaa ay la yaab ku noqotey dad badan oo reer Puntland xilli mamaulkiisa la kufaa kacayo dhibaatooyin xaga amniga ah iyo kuwo dhaqaale. 

Hadalka Gaas ayaa ku soo aadaya xilli olole doorashada loogu jiro xilka Madaxweynaha ka socda degaanada kala duwan ee maamulka Puntland. 

Gaas ayaa si qarsoodi ah ugu jira ololaha doorashada isagoo dakhliga mamaulkaan u isticmaalaya inuu kula soo baxo Xildhibaano isaga codka siiya. 

Halkaan ka daawo hadalka Cabdiweli Gaas  

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM