​Gaas oo ka hadlay wada-hadalka Somaliland iyo Cali Khaliif

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Somalia gaar ahaan doorashada 2016 iyo wada hadalka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif Gallayr.

Gaas oo arrintan ka hadlayay xilli maanta uu kusoo laabta magaalada Garowe ayaa sheegay inuu ka qayb galay shirka madasha wadatashiga ee looga hadlay doorashada dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in isbadalku dhaco waqtigii loogu talo galay inkastoo uu xusay inay taallo howl badan.

Wada-hadalka Somaliland iyo Cali Khaliif Gallayr ayuu ka hadlay madaxweyne Gaas, wuxuuna sheegay inuusan aqoonsanayn maamul la yiraahdo Khaatumo isagoo madaxweynaha maamulkaasi ku tilmaamay mid qaba cudurka dadka jeclaysiiya ruuxa neceb, wuxuuna intaasi raaciyay inuu ugu ducaynayo  jacaylkiisa Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey guushii ay gaartay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed taasoo u tartamaysey  golaha deegaanka 60B ee Degmada Minneapolis dalka Maraykanka,  waxaana uu ku tilmaamay Madaxweynuhu in ay tusaale u noqon doonto hablaha Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambayn ka mahad-celiyay soo dhaweyn loogu sameeyay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, wuxuuna farxad ku tilmaamay nabadda iyo kala dambaynta ka jirta Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM