​Gaas oo ka hadlay wada-hadalka Somaliland iyo Cali Khaliif

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Somalia gaar ahaan doorashada 2016 iyo wada hadalka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif Gallayr.

Gaas oo arrintan ka hadlayay xilli maanta uu kusoo laabta magaalada Garowe ayaa sheegay inuu ka qayb galay shirka madasha wadatashiga ee looga hadlay doorashada dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in isbadalku dhaco waqtigii loogu talo galay inkastoo uu xusay inay taallo howl badan.

Wada-hadalka Somaliland iyo Cali Khaliif Gallayr ayuu ka hadlay madaxweyne Gaas, wuxuuna sheegay inuusan aqoonsanayn maamul la yiraahdo Khaatumo isagoo madaxweynaha maamulkaasi ku tilmaamay mid qaba cudurka dadka jeclaysiiya ruuxa neceb, wuxuuna intaasi raaciyay inuu ugu ducaynayo  jacaylkiisa Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey guushii ay gaartay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed taasoo u tartamaysey  golaha deegaanka 60B ee Degmada Minneapolis dalka Maraykanka,  waxaana uu ku tilmaamay Madaxweynuhu in ay tusaale u noqon doonto hablaha Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambayn ka mahad-celiyay soo dhaweyn loogu sameeyay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, wuxuuna farxad ku tilmaamay nabadda iyo kala dambaynta ka jirta Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM