Gaas oo kormeer sameeyay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

27 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha Dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa maanta kormeeray xarumo dhowr ah oo ay ka midyihiin xabsiga Galkacyo , Xerada siinaay , ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf iyo goobo kale.

Kormeerka waxaa madaxweynaha ku wehliyey qaar ka mid ah masuuliyiinta golayaasha dowladda.

Gaas ayaa booqasho uu ku tagay xabsiga weyn ee Galkacyo ka dib waxa uu sheegey in maxaabiista tirada badan ee ku jira halkaasi la horkeeno cadaaladda, qofkii lagu waayo dambina xoriyadiisa si dag dag ah loo siiyo.

Madaxweynaha Puntland aya sidoo kale kormeerkiisa ku tagey xerada siinaay oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidanka kamaan doosta ah ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf.

Korkeerka madaxweynaha iyo safarka uu ku joogo Galkacyo waxaa Radio Garowe uga waramay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac "Quraan Jecel".

Gaas ayaa muddo ku sugnaan doona magaalada Galkacyo oo uu ka socdo shirka wadatashiga Puntland kaasi oo la filayo in la soo xiro maalinta Sabti ee fooda inagu soo haysa.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM