Gaas oo ku baaqay in la gargaaro qaxootiga kasoo cararaya Yemen

Image

May 22, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kasoo kicitimay degmada Qardho ayaa maanta soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. 

Mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Bosaso, isimmo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortegey meel magaalada 5km koonfurta kaga beegan.

Wafdiga ayaa intaas kadib loosii gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo Cabdiweli Gaas si kooban warfidiyeenka ugula hadlay isagoo ka mahadceliyey qaabka wanaagsan ee loosoo dhoweeyey sheegayna in mudo dhowr beri ah uu Bosaso sii joogi doono lana kulmi doono qaybaha kala duwan ee bushada.

Gaas ayaa sidoo kale baaq u diray beesha caalamka iyo hay'adaha samafalka isagoo ku boorriyey inay usoo gurmadaan qaxootiga kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen, kuwaasoo si joogto ah usoo gaarayey magaalada Bosaso laga soo bilaabo bishii April.

Madaxweynaha aya muddada uu Bosaso ku sugan yahay u kuurgeli doona xaaladda amniga isagoo la kulmi doona saraakiisha amniga, islamarkaana  kala hadli doona sidii ay wax uga qaban lahaayeen cabasho dadweynuhu ka muujiyeen ciidamada Birmadka ee dhowaan magaalada soo gaarey, ciidamadaas oo habeenkii sameeya hawlgallo lagu baarayo dadka iyo gaadiidka. 

Sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan isimmada iyo waxgaradka, waxaana kulankaas intiisa badan diiradda lagu saari doonaa tabasho beelaha gobolka Bari qabaan iyo guux siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyey soo shaac baxay.

Mashruuca lagu dhisyo garoonka diyaaradaha ee Bosaso oo xilligan si habsami leh ku socda ayuu kormeeri doonaa, wuxuuna booqan doonaa xerada kumeel gaarka ah ee loogu talo talay in la dejiyo qaxootiga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM