​Gaas oo baaq u diray shacabka iyo odoyaasha dhaqanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Shirka golaha wasiirrada Puntland oo maanta shir guddoominayay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jirto kala wareejinta badeecada isaga kala gudbaysa Puntland iyo gobollada Koonfureed ee dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday amniga guud ee Puntland iyo doorashooyinka dhacaya sannadkan dhammaadkiisa, waxaana shacabka loogu baaqay inay u diyaar garoobaan.

War-saxaafadeed looga hadlayay waxyaabihii kasoo baxay kulankaasi, ayaa lagu sheegay in Puntland amnigeed xoojisay islamarkaana uu yahay mid wanaagsan.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in kala wareejinta badeecada aysan ahayn mid dano gooni ah laga leeyahay, balse la doonayo in amniga lagu xaqiijiyo islamarkaana looga hortago fal lamid ah kii dhacay 21 Augusto, 2016.

Mar lagusoo hadal qaaday doorashada, waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkaasi lagu yiri in madaxweyne Gaas bulshada ugu baaqay inay soo xulaan dad matali kara magaca Puntland islamarkaan la muujiyo diyaar garow xooggan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM