​Gaas oo la kulmay mas'uuliyiin katirsan hay'ad QM u qaabilsan masiibooyinka

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay wafdi kasocday hay'ad Qaramada Midoobay u qaabilsan Masiibooyinka oo  lagu magacaabo STAIT.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ka qayb qaadasha masiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca dhulka Puntland.

Wafdigan la kulmay madaxweyne Gaas ayaa waxaa hogaaminayay Panos Moumtzis ayaa iyadoo ka mid ahaayeen Stuart Kefford,  Ulrika Blom iyo Cyril Ferrand, oo kamid ah saraakiisha sar sare ee hay'addaasi.

Xubnahan ayaa madaxweyne Gaas, kala hadlay qaabka la isaga kaashan lahaa abaaraha ka jira deegaanada Puntland iyo saamaynta duufaantii El-nino, waxayna ballan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii kaalin laxaad leh howshaasi looga gaysan lahaa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa xubnahan ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u doonayaan inay ka taageeraan dhinaca khataraha masiibooyinka, isagoo sheegay inay si la shaqayn doonaan.

Shirka labada dhinac ayaa kusoo beegmay xilli haatan la sugayo xilli robaadka Dayrta, waxaana qaar kamid ah deegaanada Puntland laga dareemayaa abaar iyo biyo la'aan xoog leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM