Gaas oo xalay Gudoodi Kaga Baxay Magaalada Garowe

Image

GAROWE- Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa saaka waaberigii ka baxay xarunta Madaxtooyada magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Warsidaha Garowe Online oo isku taxaluujiye inuu wax ka ogaado safarka Gaas ayaa loo sheegey inuu aadey tuulo ku taal xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Lama oga sababta keentey safarkaan deg deg ah ee aan horey loo sii qorsheyn balse ilo ku dhow ayaa Garowe Online u sheegey inuu booqasho ugu tagey Hoyadiis oo ku sugan Tuulo la yiraahdo Dameeajoog. 

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cabdiweli Gaas uu halkaas ugu tagayo dad uu si gaar ah ula tashado xiliyadaan oo kale kuwaas ku sugan degaanada dariska la ah xadka Soomaaliya la wadaago Itoobiya. 

Safarka Gaas waxaa sidoo kale uu ku soo beegmay xilli maanta galinka dambe la sugayo in Guddiga xalinta khilaafaadka soo gudbinayaan magacyada Xildhibaanada cusub ee Puntland.

Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo oo Shantii sano ee la soo dhaafey lagu eedeyey Musuqmaasuq ayaa sida xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu ka cabsi qabo inuu ku guulaysan waayo doorashada madaxtinimada ee la filayo iney maamulkaan ka dhacdo bisha January Sideedeeda 2019.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole oo habeenkii xalay la hadlay saxaafada ayaa sheegey in Cabdiweli Gaas aysan aheyn inuu isa sharaxo madaama uu mudadii xilka hayey ku hogaamiyey maamulkaan musuqmaasuq.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM