Gaas: "shirka Gaalkacayo ciddii hor istaagta wa la dagaalameynaa"

Image

May 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladaha amniga, isbeddel lagu sameynayo maamulka gobolka Bari, qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen, shirka ka furmaya Gaalkacayo iyo mooshinka laga keenay baarlammaanka Jubaland.

 

Ugu horreyn waxaa Madaxweynaha wax laga weydiiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyo-darrada ka jirta magaalada Bosaso . Gaas ayaa beeniyey in ammaanka xarunta gobolka Bari soo xumaadey wuxuuna sheegay in amnigeedu aad u fiican yahay marka loo barbar dhigo sidii ay xilligii hore ahayd.

Wada-shaqeyn la'aanta hay'adaha amniga iyo maamulka gobolka mar la weydiiyey wuxuu qirey inay dhaliilo badani jiraan haseyeeshee lagu hawlan yahay sidii xal loogu heli lahaa. Mas'uuliyiin uu sheegay inay ka gaabiyeen shaqadooda ayuu sheegay in la beddeli doono. HALKAN KA AQRISO

"anagu oran mayno dhaliili ma jirto, wixii dhaliil ah waa qaadaneynaa wixii saxitaan u baahanna wa saxeynaa...mas'uul kasta oo dowli ahi geed meel ka baxay maaha, qofku hadduu shaqeyn waayo waa laga qaadayaa xilka oo qof kale oo shaqo ka fiican qabta ayaa la keenayaa" ayuu yiri.

Shirka Galkacayo cidii hor istaagta waa la dagaalameynaa!!!

Mar wax laga weydiiyey shirka horraanta bisha soo socota ee June lagu wado inuu ka furmo magaalada Galkacayo wuxuu sheegay in shirkaasi yahay shir wadatashi oo la doonayo in lagu saxo khaladaadkii dhacay muddadii ay Puntland jirtey.

Su'aal ahayd maxaa idiinka qorsheysan dadka kasoo horjeeda shirka iyo maamuullada qaar oo sheegay inaysan shirkaas qabsoomiddiisa ogolaan doonin? wuxuu kaga jawaabey

"Gaalkacayo waxay ka tirsan tahay Puntland...ciddii shiddo lasoo aadana waa iskaga fillannahay...cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso shirka kolley waxbaa nooga qorsheysan waa difaaceynaa waana ka hortegeynaa"

Cabshooyinka kasoo yeeraya beelaha qaar ee ku aaddan qaabka loo qaybiyey ergooyinkana wuxuu ka yiri inaysan wax buuran ahayn maadaama -sida uu tilmaamay- aysan micne weyn sameyn doonin tirada xubnaha beel kasta uga qayb gelaya shirka.

Qaxootiga kasoo cararaya Yemen ayuu sidoo kale ka hadlay, wuxuuna ugu baaqay hay'adaha samafalka iyo wadamada deeqda bixiya inay Puntland ka taageeraan qabilaadda qaxootiga oo marba marka ka dambeysa tiradoodu soo kordheyso.

Dowladda Federaalka wuxuu ugu baaqay inaysan musuq maasuqin dhaqaalaha ay ka hesho Beesha Caalamka ee loogu talo galay in lagu taageero qaxootiga, waana markii labaad muddo todobaad gudihiis ah ee Madaxweynaha Puntland farriin noocaas ah u diro Dowladda Federaalka.

Shalay ayey ahayd markii Somaliland sheegtay inaysan hadda kadib qaabili doonin qaxootiga ka imaanaya Yemen, arrintaasoo caqabad ku noqon doonta maareynta qaxootiga maadaama culeyskoodu usoo weecan doono dhanka Bosaso.

Ugu dambeyntii wuxuu ka hadlay mooshinka laga keenay baarlammaanka Jubaland, wuxuuna sheegay inay khalad tahay in Baarlammaanka Federaalku soo farageliyo arrinta baarlamaanka Jubaland, wuxuuna ku baaqay in arrintaas faraha lagala baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM