Gaas "Waan fulinaynaa go'aamada ka soo baxay shirka" [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

29 Augusto,2015(GO)-Madaxweynaha Puntland oo soo xirey shirka wadatshiga Puntland ee Galkacyo ka socanayay ayaa ka hadlay shirkan iyo qaabku u socdey waxana uu sheegey in lama huraan ay tahay in bulshada reer Puntland ka tashadaan ayahooda.

Gaas waxa uu sheegey in shirkan looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Amniga,nidaamka dimuqraadiyaynta, tabashooyinka jira iyo Cadaaladda oo tilmaamey in Puntland aan laga hirgalin karin hadii aan laga helin bulshada dhinaceeda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusey inuu ku raacey Ergada shirka go'aamada ay soo saareen waxaana uu tilmaamey inay ka xukuumad ahaan fulinayaan hadii dhanka shacabka ay ka soo fusho.

Mar uu ka hadlay nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland ayuu sheegey inay awoodan u gudbidda nidaamka asxaabta badan, balse waxa uu shacabka ugu baaqey inaysan nidaamka u badalin mid qabali ah.

Ugu dambey gaas ayaa sheegey inay Puntland leedahay cadow badan taaso uu tilmaamey inay looga gudbi karo midnimo iyo isku duubni.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM