Gabar kaalinta koowaad ka gashay Imtixaanka dugsiga sare ee Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland ayaa ku dhawaaqday imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare.

Tobanka kaalmood ee ugu sareeya ardayda galay ayaa badankoodu gabdho ah iyada oo kaalinta koowaad ay gashay Asmo Maxamed Maxamuud oo kamid ahayd ardayda dugsiga sare ee Imaamu Nawaawi ee magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Imtixaanka oo sanadkaan ay natiijadiisu daahday sababo aan la aqoon iyada oo ay kusoo aaday shaacinta natiijada xilli ay sii dhamaanayo xiliga arday qaadashada ee jaamacadaha.

Arday 2900 kor u dhaafaysa oo Gabdho ah iyo wiilall 4400 ka badan ayaa imtixaanka u fariistay iyada oo ay badankoodu ku gudbeen halka ay dhaceen arday gaaraysa 140 kamid ah.

Su'aasha la xiriirta heerka aqoonta iyo xirfadda ardayda ayaa wali taagan iyada oo maamulkaan jirsaday 25 sano in ka badan inta badan dhalinyaradiisu ay shaqo la'aan yihiin dowladuna aanay u hayn wax jihayn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM