GALDOGOB: Siyaasada ku wareegsan Hoolka shirarka ee cusub

Image
Hoolkan waxaa maalgliyey dowlada Norway oo soo marisay mashruucaan safaarada ay ku leedahay Muqdisho.

GALDOGOB: Magaalada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka abuurmey muran siyaasadeed oo ku Aadan furitaan Hool cusub ee dadweynuhu ku shiro.

Holkaan ayaa waxaa malagliyey dowlada Norway oo soo marisay mashruucaan safaarada ay ku leedahay Muqdisho balse waxaa fulisay Hay’adda NIS- Foundation.

Sida wararka Garowe Online ku soo gaaryaan magaalada ayaa waxaa ku sugan Wufuud ay kala hogaaminayaan Wasiirka Ganacsiga Puntland iyo Wasiirka Duulista Hawada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Murankaan saaka qarxay ayaa waxaa uu la xiriiraa cidda xariga ka jari laheyd Hookaan. Wasiirka Duulista Soomaaliya Duraan oo sheegtey inuu mashruuca keeney ayaa raba inuu xariga ka jaro xaruntaan balse waxa taas diidey mas’uuliyiintii ka joogtey Puntland Galdogob.

Duraan oo u sharaxan xildhibaan aqalka Hoose ee Barlamanka Fedraalka ah iyo Saadiq Warfaa oo hadda ku fadhiya kursiga xubanaha aqalka wakiilada waqtigiisu dhamaadey ayaa Bogagooda Facebook maalintii shaley soo kala dhigey in mid walba isagu keeney mashruucaan lahaana dhagax dhigeeda.

Sida ay sheegeyso xog warsidaha Garowe Online ogaadey, dowlada Puntland ayaa horey u gudbisay baahida mashruucaan.

Xarig ka jarista Hoolkaan oo la filayey iney dhacdo saaka aroortii ayaa dib u dhacdey kadib markii la isku qabtey cidda xariga ka jareysa Hoolkaan, waxaana socda wadahadal laga leeyahay arinkaan.

Sida ka muuqata Boorka xarunta ee lagu talagalay in lagu muujiyo cidda mashruucaan ku lugta laheyd keenistiisa ayaa waxa ku qoran dowlada Fedraalka ah, Puntland iyo safaarada dalka Norway ku leedahay Somalia.

Sidoo kale Galdogob ayaa waxaa ku sugan Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug halka warar kale sheegayaan in Wasiiru dowlaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Fardowzo ku soo wajahan tahay Magaaladaas.

Warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale fahansan in xubnaha dowlada Puntland ka socda ee ka soo jeeda degaanka Galdogob iyaguna yihiin musharaxiin Xildhibano kuwaas oo raadinaya iney ku tartamaan doorashada aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Warar soo kordhey: Inta aan wararkaan qoreyney Hoolka ayaa waxaa xariga ka jarey Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland, waxaana bilaamey munaasabada xarig jarka- 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM