Galmudug iyo Puntland oo hishiis hor-dhac ah gaaray
GALKACYO, Puntland- Waxaa goordhow magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagusoo gabagabeeyay shir hordhac u ah qorshaha lagu hishiisiinayo maamullada Puntland iyo Galmudug oo muddo uu ka dhaxeeyay dagaal dhiig badan ku daatay.
Kulanka oo ka dhacay gaaroonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf, ayaa waxaa goob joog ka ahaa; Mas'uuliyiin katirsan labada maamul, xubno kasocda dowladda Federaalka Somalia iyo wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating.
Shirkan oo fool kafool u dhexmaray madaxda labada maamul ayaa diiradda lagu saaray xaaladda magaalada Galkacyo, waxaana lagasoo jeediyay khudbado kala duwan iyadoo labada madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ay sheegeen inay diyaar u yihiin nabad gobolka ka hir-gasha.
Inkastoo saxaafaddu dibadda ka joogtay, hadana markii uu soo dhammaaday kulankaasi, waxaa la sheegay in labada maamul isku afgarteen in la meel mariyo islamarkaana la adkeeyo heshiiskii horay loogu gaaray dalka Imaaraadka ee ay ku jireen in Xabadda la joojiyo, in dadkii barakacy lasoo celiyo iyo in la joojiyo hadallada xanafta leh ee hawada la isku marinayo.
Arimaha kale ee shirka la isku afgartay waxaa kamid ah; in magaalada Kismaayo la isugu tago bisha aynu ku jirno 20-keeda halkaasi oo lagasii amba qaadi doono dhammaystirka hishiis rasmi ah oo labada maamul wada-gaaraan.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa kaloo ku jira; in guddiyo ka kala socda Galmudug iyo Puntland lasoo xulo kuwaasoo wada hadallada sii wada.
Waxaa kaloo la isla qaatay arrin uu soo jeediyay madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed oo ku dalbaday in guddiyada labada dhinac lagu daro guddi madax bannaan oo xaaladda makhraati iyo indho indhaynba ula socda.
Arrintan ayaa la gaaray, kadib markii magaalada Galkacyo maanta soo gaareen Danjire Michael Keating iyo Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake iyo Madaxweynah Jubbaland Axmed Madoobe.
Waxaa xusid mudan in wali labada ciidan is-horfadhiyaan oo aan la kala qaadin, taasoo wali shacabku ka cabsi qabaan dagaal xilli kasta dhici kara.
December, 2015 ayaa sidaan oo kale labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland isku arkeen garoonka Galkacyo iyagoo ka hishiiyay dagaal muddo socday oo dad badan ku dhinteen.
GAROWEONLINE