​Ganacsade lagu dilay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Waxaa maanta lagu dilay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug Ganacsade caan ahaa oo kasoo jeeday dhinaca Waqooyiga ee ay maamusho Puntland xilli uu ku sugnaan suuq lagu magacaabo Dar-xumo oo ku yaalla xadka labada maamul ee degmadaasi.

Dilka ayaa la sheegay inuu gaystay ruux hubaysan oo aan ilaa hadda haybtiisa la aqoonsan balse markii dambe la sheegay inuu aaday dhinaca Koonfurta.

Ganacsadaha dhintay ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cismaan Sheekh Axmed, waxaana la toogtay xilli mashquul xooggan ka jiray suuqa Xoolaha balse isagu uu halkaasi marayay.

Dhaawac fudud ayaa soo gaarey ruux kale oo la socday kaasoo xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsantahay, waxaana soo gaaray dhawac fudud oo gacanta ah.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay dilkaasi, balse goobta waxaa gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaan ka sameeyay taasoo keentay in waqti kooban isu socodka iyo dhaq-dhaqaaqa suuqu hakad galo.

Ilaa cid sheegatay mas'uuliyadda falkaas ma jirto.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maanta uu hirgalay wareegto kasoo baxday Puntland oo lagu mamnuucayay in baabuurta camuulka sida gudaha u galaan xarunta gobolka Mudug.

Waxaa sidoo kale dilki yimid xilli baaritaan kasocdo magaalada Galkacyo kaasoo amniga lagu xaqiijinayo iyadoo ay ku suganyihiin madaxda Puntland, marka laga reebo Cabdiwali Cali Gaas oo kusoo wajahan xarunta gobolka Mudug.

21 Augusto, ayay ahayd markii qarax xooggan oo Al Shabaab ka dambaysay galaaftay nolosha dad badan iyo bur-bur hantiyeed.

Waxaa xusid mudan in dilal sidaan oo kale ah horay loogu dilay mas'uuliyiin iyo ganacsato magac kulahaa gobolka iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid loo soo qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM