Ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo dib loo furay

Image
Talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa kadib markii shalay loo xiray sababo ku aadan canshuur kordhin.

GAALKACYO, Puntland - Xarumaha ganacsiga waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Arbacada maanta ah dib loo furay kadib markii shalay albaabada loo laabay.

Ganacsatada ayaa talaabadan ay qaadeen ku sababeeyay cabasho ay ka qabaan canshuur kordhin uu ku sameeyay duqa degmada ee Puntland, Xasan Maxamed Jaamac.

Sidoo kale, gaadiidka xamuulka qaada oo iyaguna cabasho ka muujiyay canshuur kordhinta kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanibnaa inta u dhaxaysa Xarfo iyo Galkacyo ayaa lasii daayay.

Maxamed Aadan Buraale oo ka mid ganacsatada oo Garowe Online u waramay ayaa yiri: "Waxaan doonaynaa in wasaaradda arimaha gudaha Puntland ay soo faro-geliso xaalada oo kharashkaan dheeriga ah ee aan cid la og jirin duqa in nalaga joojiyo".

"Anagu horumarinta magaalada ma diidanin laakiin waxaan codsanaynaa in akoono gaar ah loo furo oo aan la saarin canshuurta oo guddi kale aan u qabano oo si gooni ah midaas looga wada shaqeeyo," ayuu ku daray.

Dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin xubno kamid ah Isimada gobolka Mudug ayaa laga gaaray is fahan hordhac ah iyada oo lagu qanciyay in ganacsatadu ay furaan xarumaha isla markaana maamulka magaaladu uusan kusoo rogin wax dhaqaale dheeri ah.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in ay qabsoomaan kulamo dhinacyadda uga wada xaajoonayaan sidii la isku meel dhigi lahaa arintaas iyada oo aan la hubin waxa kasoo bixi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM