Ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo dib loo furay

Image
Talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa kadib markii shalay loo xiray sababo ku aadan canshuur kordhin.

GAALKACYO, Puntland - Xarumaha ganacsiga waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Arbacada maanta ah dib loo furay kadib markii shalay albaabada loo laabay.

Ganacsatada ayaa talaabadan ay qaadeen ku sababeeyay cabasho ay ka qabaan canshuur kordhin uu ku sameeyay duqa degmada ee Puntland, Xasan Maxamed Jaamac.

Sidoo kale, gaadiidka xamuulka qaada oo iyaguna cabasho ka muujiyay canshuur kordhinta kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanibnaa inta u dhaxaysa Xarfo iyo Galkacyo ayaa lasii daayay.

Maxamed Aadan Buraale oo ka mid ganacsatada oo Garowe Online u waramay ayaa yiri: "Waxaan doonaynaa in wasaaradda arimaha gudaha Puntland ay soo faro-geliso xaalada oo kharashkaan dheeriga ah ee aan cid la og jirin duqa in nalaga joojiyo".

"Anagu horumarinta magaalada ma diidanin laakiin waxaan codsanaynaa in akoono gaar ah loo furo oo aan la saarin canshuurta oo guddi kale aan u qabano oo si gooni ah midaas looga wada shaqeeyo," ayuu ku daray.

Dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin xubno kamid ah Isimada gobolka Mudug ayaa laga gaaray is fahan hordhac ah iyada oo lagu qanciyay in ganacsatadu ay furaan xarumaha isla markaana maamulka magaaladu uusan kusoo rogin wax dhaqaale dheeri ah.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in ay qabsoomaan kulamo dhinacyadda uga wada xaajoonayaan sidii la isku meel dhigi lahaa arintaas iyada oo aan la hubin waxa kasoo bixi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM