Hay'adda shaqaalaha rayidka ah oo imtixaan qaaday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa maanta qaaday imtixaanka Waaxda dabagalka iyo Kormeerka ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee Bangiga Adduunku maal galinayo, kaasoo uu xiririnayo Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo xiriirinta(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.

Imtixaankan ayaa waxaa u fariistay 63 qof oo 15 kamid ah ahaayeen Dumar iyadoo la filyay inay soo xaadiraan 71 qof.

Guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafa Siciid Shacab oo warbaahinta la hadlay furitaanka imtixaanka ayaa sheegay inay howlgaliyeen 27 qof kuwaasoo kusoo baxay nidaamkan kuwaasoo tilmaamay in lagu meeleeyay hay'ado iyo wasaaraddo katirsan dowladda.

Wuxuu tilmaamay in dadkan imtixaanka u fariistay kasoo bixi doonaan 9 qof oo kaliya.

Qaar kamid ah codsadayaasha shaqada ee imtixaanka u fariistay ayaa Radio Garowe u sheegay inay ku faraxsanyiihiin nidaamkan loo marayo shaqaalaysiinta, waxayna raaciyeen inay tahay wax lagu farxo qorshaha xukuumaddu hirgalisay.

Waa booskii Afraad oo imtixaankiisa loo fariisto, waxa uuna qayb ka yahay ballanqaadkii madaxweynaha Puntland ee ahaa in tayayn iyo dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM