Garowe: kal-fadhiga baarlammaanka Puntland oo habsami u socda

Image

June 24, 2015 (GO)- Kal-fadhiga 35aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa si habsami leh uga socda xarunta baarlammaanka ee magaalada Garowe.

Xildhibaannada baarlammaanka oo maanta isugu yimid fadhigoodii siddeedaad ayaa soo gaba gabeeyey dhegeysiga warbixinaha guddi-hoosaadyada golaha.

Guddiyada ayaa faah faahin ka bixiyey shaqooyinkii ay qabteen muddadii u dhexeysey kal-fadhiyada 34aad iyo 35aad, waxaana maanta golaha warbixin siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada.

Guddoomiyaha Baarlammaanka Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in wixii berri loo gaaro uu baarlammaanku u guda geli doono ajandeyaasha kale ee dhiman.

Qodobada kal-fadhigan diiradda lagu saari doono oo tiradoodu gaareyso lix iyo toban, waxaa ugu muhiimsan: xisbaab-xirka miisaaniyaddii 2014, amniga, dhaqaalaha iyo; dastuurka iyo arrimaha federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM