Garowe: kal-fadhiga baarlammaanka Puntland oo habsami u socda

Image

June 24, 2015 (GO)- Kal-fadhiga 35aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa si habsami leh uga socda xarunta baarlammaanka ee magaalada Garowe.

Xildhibaannada baarlammaanka oo maanta isugu yimid fadhigoodii siddeedaad ayaa soo gaba gabeeyey dhegeysiga warbixinaha guddi-hoosaadyada golaha.

Guddiyada ayaa faah faahin ka bixiyey shaqooyinkii ay qabteen muddadii u dhexeysey kal-fadhiyada 34aad iyo 35aad, waxaana maanta golaha warbixin siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada.

Guddoomiyaha Baarlammaanka Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in wixii berri loo gaaro uu baarlammaanku u guda geli doono ajandeyaasha kale ee dhiman.

Qodobada kal-fadhigan diiradda lagu saari doono oo tiradoodu gaareyso lix iyo toban, waxaa ugu muhiimsan: xisbaab-xirka miisaaniyaddii 2014, amniga, dhaqaalaha iyo; dastuurka iyo arrimaha federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM