Garowe: kulan dhex maraya D. Federaalka, Puntland iyo Jubaland

Image

July 14, 2015 (GO)- Madaxtooyada Puntland ee Garowe waxaa maanta ka bilowday kulan saddex-geesood ah, kaas oo dhex maraya Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Saddexda mas'uul ayaa si guud isula gorfeyn doona xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo weliba is-bedelladii ugu dambeeyey ee dhacay, waxay sidoo kale diiradda saari doonaan xiriirka Dowladda Federaalka kala dhexeeya Puntland iyo Jubaland.

Qodobada kale ee kulankan lagu gorfeyn doono waxaa laga xusi karaa:

  • Heshiisyadii horay u dhexmaray Dowladda Federaalka iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah federaalka.
  • Muranka xuduudka ee Puntland iyo maamulka dhowaan Cadaado lagu dhisay.
  • Khayraadka dabiiciga ah iyo deeqaha caalamka.

Kulankan oo sida qorshuhu yahay soo gaba gaboobi doona maalinta berri ah, wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM