Garowe: kulan looga hadlay amniga iyo saameynta maamulka Cadaado

Image
Image

July 4, 2015 (GO)- Xilli maaanta degamda Cadaado lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka lagu muransan yahay ee gobollda dhexe, ayaa waxaa isla maanta Garowe ka dhacay shir looga arrinsanayey saameynta dhanka ammaanka ee maamulkaasi ku yeelan karo Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaradda Amniga Puntland ee Garowe, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid yahay Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Taliyaha Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf, Taliyaha Booliska Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli), Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamuud Qodhob iyo Duqa Garowe Axmed Siciid Shoode.

Qodobadii kulanka diiradda lagu saaray waxaa ugu muhiimsanaa in Puntland feejignaan dheeri ah ka qabto xaaladda siyaasadeed ee gobollada dhexe iyo saameynta maamulkaasi ku yeelan doono amniga gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii, waxaa laysku raacay in dadka iyo Dowladda Puntland u midoobaan ilaalinta midnimadooda islamarkaana meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeelayso Puntland.

Dowladda Puntland ayaa horay u sheegtay inaysan u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay kusoo xad gudubto xuduudaheeda.

Waxaa xusid mudan in dastuurka maamulka Galmudug dhigayo in xuduudkiisa dhanka waqooyigu ku egyahay gobolka Nugaal, arrintaas caro weyn ka dhalisay gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM