GAROWE: Munaasabadii loo qaban lahaa aasaaskii maamulka Puntland oo baaqatey

Image

GAROWE- Munaasabad lagu xusi lahaa maalintii dhidibada loo taagey Puntland ayaa baaqatey kadib markii ay saameyn ku yeelatey munaasabad lagu Dhagax dhigay dakad laga dhisayo Garacad taasoo RW Khayre ka cududaartey.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha Garowe Online ka heley saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntalnd aya sheegaya in qabashada munaasabadaas ay baaqatey halka uusan qabsoomeyn kulan lagu wadey inuu dhexmaro golaha xukumada Puntland iyo dowada Fedeaalka ah.

Labada mas’uul ayaa kuwada sugan Madaxtooyada Garoowe iyadoo uusan jirin wada-hadal dhexdooda ah waqtigaan.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Ra’isal wasaare Khayre maalinta berri ah dib ugu noqon doono magalada Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeysay ay baaqato munaasabad noocaan ah iyadoo magaalo madaxda Puntland ku sugan yahay mas’uul sare ee ka tirsan DF Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa baajiyey xaflad uu qabsan lahaa 8 January xiligaas oo ay ku beegneyd markii loo doortey xilkaan.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugnaa magalaada Garowe 8 January, 2018 xiligaas oo maamulka Somaliland qabsadey tuulada Tukaraq.

GAROWE ONlINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM