Garowe oo la gaarsiiyey shaqaale markab la caaryey Dhageyso]

Image

07 August, 2017 (GO)- Xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal waxaa shalay ku soo caariyey Markab ay leedahay shirkad kuwa kalluumaysiga ah oo laga leeyahay dalka Yeman lana yiraahdo Burun seafood Company.

Maamulka degmada iyo ciidamada PMFayaa maalintii shalay u gurmaday badbaadinta markabkaas,  iyagoo soo gaarsiiyay 34 ka tirsan shaqaalaha magaalada Eyl.

Markabkan oo ku gooshayey calanka Kuuriyada Woqooyi waxaa saarnaa 34 shaqaale ah oo u kala dhashay Indonesia, Kenya, Yemen iyo Vietname, sida uu Radio Garowe u sheegay Gudoomiyaha degmadda Eyl Muuse Cismaan.

Muuse Cismaan ayaa sheegay gabi ahaanba soo badbaadiyeen dhamaan dadkii saarnaa markabkaas oo la yiraahdo Al-Amal ugu dabayntii loo soo gudbiyay magaalada madaxda Puntland ee Garowe.

Maraakiibta sida sharci darada uga Kaluumeysta xeebaha Puntland ayaa mararka qaarkood kusoo caaryaya degaamadaas halka kuwa kale oo sharci ka haysta wasaarada kaluumeysiga balse aysan saarneyn saraakiil ka tirsan hay'dahaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM