Garowe oo laga diiday diiwaan-gelin lagu muran-san yahay

Image
Xukuumada Deni iyo guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka ayaa lagu eedeeyay qardo-jeexida dimuqraadiyada.

GAROWE, Puntland - Kulan ay Garowe isugu yimaadeen dhalinyarada iyo waxgaradka ayaa lagu taageeray dalab ay dhawaan odayaasha iyo nabadoonada gobalka Nugaal ay u gudbiyeen guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland.

Nabadoonada gobalka Nugaal ayaa codsadey in dib loo dhigo diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee ay TPEC shaacisay in ay todobada bishan ay Garowe ka bilaabayso.

Waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa afka ku balaariyay heerka ay gaarsiisan tahay abaarta baah-san ee gobalka ka jirta iyaga oo soo jeediyay in dowladda iyo bulshaduba u gurmadaan xoolo dhaqatada gobalka.

"Dowladda waxaanu leenahay dhalinyaro yar-yar oo la isu keeno yaysan been idin sheegin warka dhaqanka ayaa umada ku kala socotaa ayaan u sheegaynaa madaxweynaha," ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii madasha khudbadaha kasoo jeediyay.

"Deni waxaanu leenahay diiwaan-gelintaan way hubeysan tahay ee hubkaagana kusoo daba wado," ayuu yiri nabadoonadii kulanka ka hadlay mid kamid ah.

Xukuumada iyo guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka ayaa lagu dhaliilay in ay kaamamka barakacayaasha tageen iyaga "waxay ku leeyihiin barakacayaashii cidii is diiwaan-gelisa kaarar baa la siinayaa".

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay masuuliyiin uu sheegay in ay ku dhaw yihiin xukuumada Deni ku lug lahaan-shiyaha tacadiyo barakacayaasha loo geystay oo ka dhashay raridooda si looga diiwaan-geliyo degaano aysan dad badan joogin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM