Garowe oo laga maamuusay xuska maalinta 1-da Luulyo

Image
Munaasibadahaan waxaa lagu xasuusta dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa 1960.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kaga qayb-galay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasibadda Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey 1960, xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadda xuska 01 Luulyo waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta SSC, maamulka gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa qeyb ka ahaa xafladda.

Deni oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda mugga weyn ee ay inoo leeyihiin maalmaha Xuriyadda iyo sooyaalkii taariikheed ee laga soo maray halgankii gobanimadoonka.

1-da Luulyo waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii reer galbeedka. Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran. Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”

Munaasibadahaan waxaa lagu xasuusta xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa 1960.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM