Garowe oo martigelinaysa Madasha Bangiyada Islaamiga ah

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Deni ayaa daahfuray shirkan ay ka qeybgalayaan 10 Bangi oo ka kala yimid Soomaaliya oo dhan.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu maanta daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Garoowe.

Deni ayaa boggaadiyay shirweynaha Bangiyada, wuxuuna rajeeyay in hadii siwanaagsan loo hagaajiyo nidaamka Bangiyada dalka in dalku horumar fiican uu gaari doono.

Madaxda Bangiyada eesShirka ka qeybgalaysa ayuu ku wargeliyey in Dowladda Puntland ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

"Bangiyada waxaan rajeynaynaa inay maalgashi u sameeyaan dhallinyarada iyo fursadaha ganacsi ee ay sameyn karaan, Dowladd ahaana diyaar baan u nahay inaan idinkala qeybgalno, xagga la fududeynta in damaanada," ayuu yiri Deni.

Intii ay socotay hadaljeedintiisa, Deni ayaa kalsooni wanaagsan ka rajeeyay in Garowe ay mustaqbalka dhow noqoto xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha guud ahaan Soomaaliya.

Shirweynaha Bangiyada Islaamiga ah ee Soomaaliya oo soconaya maalmaha soo aadan ayaa waxaa ka qeybgalaya illaa 10 Bangi oo ka kala yimid guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

Waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Madaxda Bangiyada iyo Khuburo ku takhasustay dhaqaalaha adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM