Garowe oo martigelinaysa Madasha Bangiyada Islaamiga ah

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Deni ayaa daahfuray shirkan ay ka qeybgalayaan 10 Bangi oo ka kala yimid Soomaaliya oo dhan.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu maanta daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Garoowe.

Deni ayaa boggaadiyay shirweynaha Bangiyada, wuxuuna rajeeyay in hadii siwanaagsan loo hagaajiyo nidaamka Bangiyada dalka in dalku horumar fiican uu gaari doono.

Madaxda Bangiyada eesShirka ka qeybgalaysa ayuu ku wargeliyey in Dowladda Puntland ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

"Bangiyada waxaan rajeynaynaa inay maalgashi u sameeyaan dhallinyarada iyo fursadaha ganacsi ee ay sameyn karaan, Dowladd ahaana diyaar baan u nahay inaan idinkala qeybgalno, xagga la fududeynta in damaanada," ayuu yiri Deni.

Intii ay socotay hadaljeedintiisa, Deni ayaa kalsooni wanaagsan ka rajeeyay in Garowe ay mustaqbalka dhow noqoto xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha guud ahaan Soomaaliya.

Shirweynaha Bangiyada Islaamiga ah ee Soomaaliya oo soconaya maalmaha soo aadan ayaa waxaa ka qeybgalaya illaa 10 Bangi oo ka kala yimid guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

Waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Madaxda Bangiyada iyo Khuburo ku takhasustay dhaqaalaha adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM