Garowe: shirka saddex-geesoodka ah oo saaka mar kale dib u furmay

Image

July 15, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa saaka mar kale dib uga bilowdey wada-xaajoodka u dhexeeya Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubaland.

Shirkan saddex-geesoodka ah ayaa habeennimadii xalay natiijo la'aan kusoo gaba gaboobey kadib markii qodobada qaar laysku mari waayey.

Qodobka muranka weyn dhaliyey ayaa ah in maamul loo sameyn karo hal gobol iyo bar iyo weliba meesha uu ku egyahay xuduudka kala qaybiya Puntland iyo maamulka dhowaan degmada Cadaado lagu soo dhisay.

Puntland ayaa si weyn uga soo horjeedda in maamul loo sameeyo wax ka yar labo gobol, arrintaas oo sida ay ku doodeyso xadgudub ku ah dastuurka dalka islamarkaana horseedi karta in maamullo badan oo sharci darro ahi sameysmaan.

Sidoo kale Puntland waxay dalbaneysaa in dib loogu noqdo dastuurka maamulka gobollada dhexe, kaasoo xilligan dhigaya in xuduudka waqooyi ee maamulkaasi ku eg yahay gobolka Nugaal.

Wixii warar ah oo kasoo kordha shirka saddex-geesoodka ah ee madaxtooyada Garowe ka socda, dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaaa...

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM