Garowe: wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland oo xilka wareejiyey

Image

June 23, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland  Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si rasmi ah xilka u wareejiyey.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta  Wasaaradda ee Garowe, waxaana xilka si kumeel gaar ah ula wareegey wasiir ku xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax, maadama wasiirka cusub ee dhowaan xilkaas loo soo magacaabay weli dalka soo gaarin.

Cali Xaaji Warsame ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu wasiirka ahaa, isagoo xusay inay ugu muhiimsan yihiin: dib u eegista hannaanka shaqo ee Wasaaradda, manhajka waxbarashada, xoojinta tababarrada macalimiinta iyo baahinta shaqooyinka Waasaradda.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada DR.Maxamed Cali Faarax oo xilka si kumeel gaar  ah ula wareegay ayaa dhankiisa sheegay in Cali Xaaji wax la taaban karo wasaradda kusoo kordhiyay.

Cali Xaaji ayaa kamid ahaa sagaal wasiir oo xilalkooda waayey kadib isku-shaandheyn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Inta badan wasiirrada cusub ayaa xilalkooda la wareegey, waxaase weli dhiman Wasiirkii Caafimaadka oo la sugayo in uu maalmaha soo socda Garowe soo gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM