Garowe: Xiisad ka dhalatey keenista Qaadka oo la isku xabadeeyey

Image
Ganacsatada Qaadka la soo dagtey ayaa ruqsad ka haysata maamulka sare ee dowlada Puntland kuwaas oo khidmad ku leh imaanshihiisa.

GAROWE, Soomaaliya- Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa maalintii shalay 07 bisha waxaa ka dhacday is rasaasayn afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Garowe.

Qof Goobjooge ah ayaa Garowe Online u sheegay'' qaadka oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa loo galay agagaarka Laanta hawada Is rasaasayn kadib waxaa la dhacay ilaa sadex gaari oo qaad siday''.

Is-rasaasaynta oo u dhaxaysay qaad walayaal ayaa sababtay in la dhaco gaadiid siday qaad oo gaaraya ilaa sadex gaari.

Qaadka la dhacay oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa la sheegay in uu sababay khilaaf iyada oo ay ka caroodeen ganacsato loo diiday in ay Garowe kala soo dagaan qaadka.

Ganacsatada Qaadka la soo dagtey ayaa ruqsad ka haysata maamulka sare ee dowlada Puntland kuwaas oo khidmad ku leh imaanshihiisa.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in qaadka Puntland kasoo daga uu faraha u geliyay xubnaha qoyskiisu iyo kuwo uu siyaasad ahaan isu xijinayo.

Dhawaan ganacsatada qaadka ee magaalooyinka Garowe iyo Qardho ayaa cabasho ka muujiyay sida uu Madaxweynuhu faraha ugula jiro qaadka iyaga oo ka digay cawaaqib arintaas ka dhasha.

Qaadka Soomaaliya ayaa noqdey mid siyaasadeysmay iyada oo meesha ka baxdey soo dajintii maandooriyahan ee xorta aheyd noqteyna mid madaxda dalka khidmado ka qaataan siiyaana iney keeni karaan ganacsato  shuraako la ah xubno ka tirsan Qoysaskooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM