Garowe: Xiisad ka dhalatey keenista Qaadka oo la isku xabadeeyey

Image
Ganacsatada Qaadka la soo dagtey ayaa ruqsad ka haysata maamulka sare ee dowlada Puntland kuwaas oo khidmad ku leh imaanshihiisa.

GAROWE, Soomaaliya- Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa maalintii shalay 07 bisha waxaa ka dhacday is rasaasayn afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Garowe.

Qof Goobjooge ah ayaa Garowe Online u sheegay'' qaadka oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa loo galay agagaarka Laanta hawada Is rasaasayn kadib waxaa la dhacay ilaa sadex gaari oo qaad siday''.

Is-rasaasaynta oo u dhaxaysay qaad walayaal ayaa sababtay in la dhaco gaadiid siday qaad oo gaaraya ilaa sadex gaari.

Qaadka la dhacay oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa la sheegay in uu sababay khilaaf iyada oo ay ka caroodeen ganacsato loo diiday in ay Garowe kala soo dagaan qaadka.

Ganacsatada Qaadka la soo dagtey ayaa ruqsad ka haysata maamulka sare ee dowlada Puntland kuwaas oo khidmad ku leh imaanshihiisa.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in qaadka Puntland kasoo daga uu faraha u geliyay xubnaha qoyskiisu iyo kuwo uu siyaasad ahaan isu xijinayo.

Dhawaan ganacsatada qaadka ee magaalooyinka Garowe iyo Qardho ayaa cabasho ka muujiyay sida uu Madaxweynuhu faraha ugula jiro qaadka iyaga oo ka digay cawaaqib arintaas ka dhasha.

Qaadka Soomaaliya ayaa noqdey mid siyaasadeysmay iyada oo meesha ka baxdey soo dajintii maandooriyahan ee xorta aheyd noqteyna mid madaxda dalka khidmado ka qaataan siiyaana iney keeni karaan ganacsato  shuraako la ah xubno ka tirsan Qoysaskooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM