Garyaqaanka Guud ee Puntland oo War kasoo saarey Khilaafka Gaas iyo Camey

Image

GAROWE, Puntland - Garyaqaanka Guud ee dowladda Puntland, Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa soo saarey qoraal uu ku shaaciyay in Camey uusan awood u laheyn magacaabista Guddiga Ansixinta iyo xalinta Khilaafaadka Gollaha Wakiiladda.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Gaas uu yahay shaqsi leh awoodda magacaabista Guddigan, isagoo kala tashanaya ku xigeenkiisa Camey, sida uu qabo Dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobada 80-aad iyo 81-aad.

Garyaqaanka ayaa caddeeyay in Camey, hadii uusan Madaxweynaha u wakiilan aanu magacaabi karin Guddiga, sidaasi darteedna midkii uu dhawaan soo dhisay uu yahay waxba kama jiraan.

Khilaafka Gaas iyo Camey ayaa heerkii ugu sareeyay gaarey, iyadoo war kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland dhawaan lagu eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka inuu wado khal-khal siyaasadeed, islamarkaana uu fulinayo awaamiir ka timid Muqdisho.

Cabdiweli Gaas ayaa mudadii shanta sano ee uu xafiiska joogey lagu eedeeyay musuq-maasuq, eex, nin-jeclaysi iyo inuu ku fashilmay amniga iyo balan-qaadkiisii inuu Puntland gaarsiinayo 2019 doorasho qof iyo cod ah.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA GARYQAAANKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM