Garyaqaanka Guud ee Puntland oo War kasoo saarey Khilaafka Gaas iyo Camey

Image

GAROWE, Puntland - Garyaqaanka Guud ee dowladda Puntland, Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa soo saarey qoraal uu ku shaaciyay in Camey uusan awood u laheyn magacaabista Guddiga Ansixinta iyo xalinta Khilaafaadka Gollaha Wakiiladda.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Gaas uu yahay shaqsi leh awoodda magacaabista Guddigan, isagoo kala tashanaya ku xigeenkiisa Camey, sida uu qabo Dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobada 80-aad iyo 81-aad.

Garyaqaanka ayaa caddeeyay in Camey, hadii uusan Madaxweynaha u wakiilan aanu magacaabi karin Guddiga, sidaasi darteedna midkii uu dhawaan soo dhisay uu yahay waxba kama jiraan.

Khilaafka Gaas iyo Camey ayaa heerkii ugu sareeyay gaarey, iyadoo war kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland dhawaan lagu eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka inuu wado khal-khal siyaasadeed, islamarkaana uu fulinayo awaamiir ka timid Muqdisho.

Cabdiweli Gaas ayaa mudadii shanta sano ee uu xafiiska joogey lagu eedeeyay musuq-maasuq, eex, nin-jeclaysi iyo inuu ku fashilmay amniga iyo balan-qaadkiisii inuu Puntland gaarsiinayo 2019 doorasho qof iyo cod ah.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA GARYQAAANKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM