General Jimcaale oo soo dhaweeyay mudanyaasha Cusub ee Golaha Wakiilada

Image
Generalka ayaa xaqiijiyay in uu ku kalsoon-yahayin baarlamaanka 6-aad ay badbaadin doonaan Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Kumaandoosta Danab Puntland General Jimcaale Jaamac Takar ayaa fariin adag u diray Wakiilada cusub ee Baarlamanka Puntland, wuxuuna carabka ku dhuftay in shacabka Puntland ay ka dhursugayaan isbedel ka dhaca dalka.

Waxaan xusuustaa in dalka uu soo maray khilaaf iyo marxalado adag, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay mudanayaasha cusub ee baarlamaanka, isagoo u rajeeyay inaysan la mid noqon kii shanaad.

"Madaxweynihii hore ma ahayn nin nabadeed, balse dhowr dhibaato ayuu dalka ka abuuray, sidaas darteed shacabka Puntland waxay ka sugayaan baarlamanka 6-aad isbedel dhab ah oo farxad geliya." ayuu yiri Jeneraalka.

Jeneraalka ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka 6-aad uu ku kalsoon-yahay in ay badbaadin doonaan Puntland, isla markaana aysan wax dagaal ah ku xalin doonin khilaafaadyada siyaasadeed sida baarlamaanka 5-aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM