Golaha deegaanka Galkacayo oo qarka u saaran in la kala diro

Image

August 16, 2016 (GO)- Khilaaf ayaa ka dhex aloosan xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo. Khilaafka oo si weyn usoo shaac baxay todobaadyadii u dambeeyey islamarkaana horseeday in shaqadii maamulka degmadu gaabis noqoto, wuxuu qayb ka ahaa sababihii soo dedejiyey safarka Madaxweyne Gaas ku tegey magaalada Gaalkacayo.

Warar aan sugneyn oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in xilka laga qaadi doono duqa degmada Gaalkacayo, halka warar kale xusayaan in Madaxweynuhu qorsheynayo kala dirista golaha deegaanka ee Gaalkacayo.

Ku-xigeenkii hore ee duqa degmada Galkacayo Yacquub Maaxmed Cabdallah ayaa is casiley May 3, 2015. Sababta uu isku casiley wuxuu ku sheegay in golaha deegaanku ku fashilmey gudashada waajibaadkiisa.

Golaha deegaanka Galkacayo oo ka kooban 27 xubnood, waxaa la dhisay April 2014. 


Gaas oo amray in laga guuro dhismeyaasha dowladda

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli degmada Gaalkacayo ku sugan ayaa soo saarey wareegto uu ku amrayo in laga guuro dhismaayaasha dowladda ee sida sharci darrada ah loo degen yahay.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha ay khuseyso in ay arrintaas sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan, waxaana dadka loo qabtey muddo bil ah si ay meel kale ugu guuraan

Boqollaal kamid ah dadweynaha Gaalkacayo ku nool ayaa deggen guryo iyo dhul ay lahaan jirtey dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM