Guddi cusub oo loo saaray xal u helidda xiisadda ka taagan Qarxis

Image

June 30, 2015 (GO)- Guddi cusub oo shan iyo toban xubnood ka kooban ayaa loo saaray xal u helista xiisadda ka aloosan deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal, halkaasoo muddo asbuuc ah ay isku hor fadhiyaan ciidamo ka tirsan dowladda iyo ciidan oo kale oo taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland, Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Guddigan cusub oo Suldaan Garaase hormuud u yahay, waxay isugu jiraan odayaasha deegaanka Qarxis, culimaa'uddiin iyo qaar kamid ah nabadoono iyo odayaal ku jirey guddi kale oo 25 xubnood ahaa kaasoo todobaadkii hore Garowe lagu dhisay.

Ergada waan-waanta uga qayb gelaya garabka Gen. Muxiyadiin ayaa ku gacan sayry guddigii Garowe lagu soo dhisay, maadama sida ay tilmaameen guddigaasi yahay mid aan dhex dhexaad ahayn laguna kalsoonaan karin. Sababtaas ayaa keentay in guddi cusub lagu dhawaaqo.

Dhanka kale, Garowe Online ayaa ogaatey in Suldaan Siciid Maxamad Garaase iyo Islaan bashiir Islaan Cabdulle ka wada hadleen arrinta Qarxis.

Labada isim oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ku ballamay in ay kulmaan si xiisaddaas loo qaboojiyo, waxay sidoo kale isku afgarteen in wadahadal toos ah laga dhex bilaabo labada dhinac [dowladda iyo ciidamada gadoodsan].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM