Guddi cusub oo loo saaray xal u helidda xiisadda ka taagan Qarxis

Image

June 30, 2015 (GO)- Guddi cusub oo shan iyo toban xubnood ka kooban ayaa loo saaray xal u helista xiisadda ka aloosan deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal, halkaasoo muddo asbuuc ah ay isku hor fadhiyaan ciidamo ka tirsan dowladda iyo ciidan oo kale oo taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland, Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Guddigan cusub oo Suldaan Garaase hormuud u yahay, waxay isugu jiraan odayaasha deegaanka Qarxis, culimaa'uddiin iyo qaar kamid ah nabadoono iyo odayaal ku jirey guddi kale oo 25 xubnood ahaa kaasoo todobaadkii hore Garowe lagu dhisay.

Ergada waan-waanta uga qayb gelaya garabka Gen. Muxiyadiin ayaa ku gacan sayry guddigii Garowe lagu soo dhisay, maadama sida ay tilmaameen guddigaasi yahay mid aan dhex dhexaad ahayn laguna kalsoonaan karin. Sababtaas ayaa keentay in guddi cusub lagu dhawaaqo.

Dhanka kale, Garowe Online ayaa ogaatey in Suldaan Siciid Maxamad Garaase iyo Islaan bashiir Islaan Cabdulle ka wada hadleen arrinta Qarxis.

Labada isim oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ku ballamay in ay kulmaan si xiisaddaas loo qaboojiyo, waxay sidoo kale isku afgarteen in wadahadal toos ah laga dhex bilaabo labada dhinac [dowladda iyo ciidamada gadoodsan].

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM