Guddi loo saarey fulinta balanqaayada Shirka Maalgashiga Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu guddi u saarey fulinta iyo dabagalka balanqaayadda iyo fursadaha kasoo baxay Shirka Maalgashiga Puntland.

Go’aankan ayaa kasoo baxay Shirka Todobaadlaha ee Golaha Xukuumadda dowladda Puntland oo uu Deni gudoomiyey Khamiista maanta ah, 19-ka September sanadka 2019.

Shirka Maalgashiga Puntland kaasoo hal-ku-dhigiisu ahaa "Balaari ganacsigaaga oo maalgasho Puntland" oo socda muddo saddex maalmood ayaa waxaa kasoo qeybgalay 400 xubnood oo ganacsato.

Ganacsatadda qaarkood oo isugu jira maxali iyo caalami ayaa balanqaadey in ay saddex sano ee soo aadan sameyn doonan maalgashi wadar ahaan lacagta ku baxeysa ay gaareyso 467 milyan oo Doollar.

Shirkadaha maalgashiga balanqaadey ayaa kala ah;

Image

Dhinaca kale, golaha wasiiradda ayaa warbixin waxay ka dhageysteen Guddigii loo xil-saarey qaban-qaabadda shirka oo howsha wadey muddo ku suntay afar bilood oo kaamil ah.

War-murtiyeed shirka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 1-da bisha koowaad ee sanadka dambe 2020-ka lagu qaban doono magaaladda Boosaaso Carwo lagu soo bandhigi doono ganacsiga.

Ka qeyb-galeyaasha oo ay ku jiraan ganacsato ajaaniib ah ayaa daboolka ka qaadey in ay Puntland ka jiraan fursado badan oo maalgashi ah gaar ahaan dhinacyadda; kheyraadka dabiiciga iyo wax soo saarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM