Guddi loo saarey fulinta balanqaayada Shirka Maalgashiga Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu guddi u saarey fulinta iyo dabagalka balanqaayadda iyo fursadaha kasoo baxay Shirka Maalgashiga Puntland.

Go’aankan ayaa kasoo baxay Shirka Todobaadlaha ee Golaha Xukuumadda dowladda Puntland oo uu Deni gudoomiyey Khamiista maanta ah, 19-ka September sanadka 2019.

Shirka Maalgashiga Puntland kaasoo hal-ku-dhigiisu ahaa "Balaari ganacsigaaga oo maalgasho Puntland" oo socda muddo saddex maalmood ayaa waxaa kasoo qeybgalay 400 xubnood oo ganacsato.

Ganacsatadda qaarkood oo isugu jira maxali iyo caalami ayaa balanqaadey in ay saddex sano ee soo aadan sameyn doonan maalgashi wadar ahaan lacagta ku baxeysa ay gaareyso 467 milyan oo Doollar.

Shirkadaha maalgashiga balanqaadey ayaa kala ah;

Image

Dhinaca kale, golaha wasiiradda ayaa warbixin waxay ka dhageysteen Guddigii loo xil-saarey qaban-qaabadda shirka oo howsha wadey muddo ku suntay afar bilood oo kaamil ah.

War-murtiyeed shirka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 1-da bisha koowaad ee sanadka dambe 2020-ka lagu qaban doono magaaladda Boosaaso Carwo lagu soo bandhigi doono ganacsiga.

Ka qeyb-galeyaasha oo ay ku jiraan ganacsato ajaaniib ah ayaa daboolka ka qaadey in ay Puntland ka jiraan fursado badan oo maalgashi ah gaar ahaan dhinacyadda; kheyraadka dabiiciga iyo wax soo saarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM