Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo ka degay Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa lagu soo dhaweeyay Garoowe, caasimadda dowladda Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa qaabilay ayaa habdhowraha Golaha Shacab federaalka Xildhibaan Maxamed Xasan Nuux iyo qaar ka mid ah mudaneyaasha Golaha wakiiladda Puntland.

Ujeedka safarka xubnahan ayaa ah sidii ay wadatashiyo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ula yeelan la haayeen mas’uuliyiinta Puntland iyo qeebaha kala duwan ee bulshada.

Socdalakan ayaa noqonaayo kii labaad oo ay guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ku tagaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayay horey u tageen, waxaana ay kulmeen madaxda, ururada bulshadda iyo haweenka.

Guddigan ayaa waxaa magacaabay afhayeenka Aqalka Hoose ee Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kadib markii sharcigii horey ay kasoo horjeesteen maamul goboledyadda qaar.

Sababta keentay in ay maamuladda qaadaceen ayaa la sheegay in ay salka ku hayso muddo kordhin la sheegay in uu siinayo madaxda dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan uga digay hogaanka waddanka in ay muddo kororsi sameeyaan, isaga oo ku tilmaamay hadii ay dhacdo "dib u dhac horleh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM