​Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland oo shaaciyay shuruudo

Image

GAROWE, Puntland- Shir jaraa'id oo maanta magaalada Garowe ku qabteen guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland ayay ku shaaciyeen shuruudaha looga baahanyahay dadka u tartamaya Aqallada Barlamanka Federalka Somalia.

Guddoomiyaha Guddigaasi Khaliif aw-Cali oo ka warbixinayay howlaha socday, ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso, wuxuuna ku baaqay inaan laga dib dhicin waqtigii loogu talo galay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan shaqo qaban karin ilaa ay loo soo gudbiyo Ergada wax dooranaysa iyo Liiska Aqalka sare isagoo ku baaqay in howlahaas dhaqso loo dhammeeyo.

Khaliif ayaa tilmaamay in jadwalku waqtigiisu koobanyahay, wuxuuna xusay ciddii ka dib dhacda inay iyagu mas'uul ka yihiin.

Wuxuu sidoo kale akhriyay shuruudaha looga baahanyahay murashaxiinta oo ku qoran waraaqdan hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM