Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka hadlay wax-qabadkooda
GAROWE- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa ku guda jira shaqooyinkii loo igmaday inkastoo qayb ka mid ah durba hirgaliyeen sida uu sheegay Guddoomiyaha T-PEC Axmed Maxamed Cali (Kismayo), oo waraysi siiyay Puntland TV.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubnaha Guddiga si rasmi ah loo ansixiyay bishii April ee sannadkan, balse wixii ka horeeyay ay ku howlanaayeen sidii mar kale dib loogu furi lahaa xafiiskii ay ku shaqayn jireen Guddigii ka horeeyay islamarkaana dayactir loogu samayn lahaa agabyadii ay ku howl-galijireen.
Axmed Kismayo, wuxuu tilmaamay in ilaa hadda arrimo badan u qabsoomeen islamarkaana dib u eegis iyo waxkabada ku sameeyeen xeerarkii horay loo qoray, isagoo carrabka ku dhuftay in arrintaasi la kaashadeen khuburo caalami ah, hadana ay qorshaynayaan sidii loo horgayn lahaa hay'adaha ay khusayso ee Xukuumadda iyo Barlamanka.
Kismayo, ayaa sheegay inay kulamo kala duwan la qaateen xubno katirsan guddigii hore iyo qaar kamid ah beesha caalamka, isagoo tilmaamay inay kala hadleen sidii mashruucan loo hirgalin lahaa iyo qaabka looga gudbayo wixii caqabad ah ee soo wajaha.
Waraysigan ayaa Guddoomiye Axmed Kismayo wax looga weydiiyay sababaha hor istaagay nidaamkii hore ee lagu doonayay in Puntland ugu gudubto nidaamka Axsaabta badan, wuxuuna yir, "Runtii waxaan dhihi karaa waxay ahaayeen labo qodob, qodob waa caqabad katimi siyaasiyiin dano gaar ah watay ama ka baqay inay saamayn ku yeelato doorashada, kan kale waxaa uu ahaa waqtiga oo mudada ay haysteen iyo xilliga dalka doorashadu ka dhacaysay aad ayay isug dhawaayeen".
Wuxuu ammaanay go'aankii uu waqtigaa qaatay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, isagoo ku tilmaamay mid geesinimo dalka ka bad-baadiyay qalalaaso siyaasadeed.
Guddoomiyaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay ka dhabayn doonaan hirgalinta howlaha loo igmaday, balse wuxuu sheegay haddii la heli waayo taageerada xukuumadda iyo beesha caalamka inaan dalka la gaarsiin karin dimuqraadiyad.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa haatan shaqaynayay muddo ka yar lix bilood, waxaana horyaalla howlo badan, mana jirto cid wali ka taageertay dhinaca dhaqaalaha oo fure u ah hirgalinta nidaamkan.
HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA AXMED MAXAMED CALI UU SIIYAY PUNTLAND TV OO DHAMMAYSTIRAN