Guddiga ku meel gaarka doorashooyinka Puntland oo is casilay
GAROWE, Puntland - Kadib shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaaladda Garowe maanta oo Khamiis ah, xubnihii guddiga ku meel gaarka doorashooyinka dowladda Puntland [TPEC] ayaa ku dhawaaqey in ay shaqadii ka tageen.
War-saxaafadeed ay war-fidiyeenka u mariyeen ayna ku sharaxeen is-casilaadooda ayay ku sheegeen sababo ay kamid tahay in xubno kamid ahaa guddiga ay horey u isku casileen, kuwa kale ay dalbadeen "daruufo u gaar ah awadeed".
"Guddigu wuxuu intaasi kadib go'aansadey in uu is-wada casilo si loo helo Guddi cusub oo isla jaan-qaada," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo ay saxaafada u akhariyeen.
Guddigan oo uu magacaabey madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa wuxuu ku fashilmay in uu degaanada Puntland ka hirgeliyo doorasho hal qof iy hal cod.
Kahor inta aysan ku dhawaaqin is-casiladooda, guddiga ayaa 22-ka bishaan waxa uu warqada istiqaalada u gudbiyey hogaamiyaha dowladda Puntland iyo Golaha Wakiilada oo ka ogolaadey.
"Waxaan uga mahad-celineynaa madaxweynaha dowladda Puntland iyo Golaha Wakiilada sida sharafta leh ee ay nooga ogolaadeen is-casilaadeena," ayaa ku sheegeen bayaanka.
Xubnaha gudigan oo ka kooban Sagaal [9] xubnood ayaa shan [5] kamid ah waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha halka afarta xubnood ee kale uu soo xulayo baarlamaanka.
Puntland ayaa ku guuldareysatey mudadii 21 sano aheyd ay jirtey iney gaarto nidaamka doorasho oo xor ah iyadoo Dastuurka ay ku dhaqanto shuruucdiisu waafaqsan tahay nidaamka xisbiyada badan.
Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani oo horey u sheegay iney ka go’an tahay in nidaamka xisbiyada badan ka hirgaliyo maamulkaan mudada uu xilka hayo ayaa la filayaa inuu guddi cusub uu soo dhiso dhowaan.
Dowladdii uu majaraha u hayey madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxay 2013-kii isku dayday hirgelinta nidaamka dimuqaraadiyada balse siyaasiyiin dano gaar ah leh ayaa ka hor-yimid.
HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID
War-Saxaafadeedka Is-casilaadda:
GAROWE ONLINE