Guddiga PEC oo qaaday tallaabo ka hor imaanaysa baaqa wadahadalka ee Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Guddiga lagu muransan yahay ee arrimaha doorashooyinka (PEC) ayaa goor-dhoweyd shir jaraa’id uu qabtay uga hadlay jadwalka Doorashada.

Bayaanka guddiga ayaa lagu sheegay in la bilaabayo barnaamijyo wacyigelin ah oo lala kaashan doono hay'adaha ay khusayso. 

Guddiga waxa kale oo ay muddeeyeen wakhtiga la qabanayo diwaan-galinta codbixiyayaasha waxayna ku beegeen 16-ka bisha December, iyaga oo cadeeyey inay ka go’an tahay in la sii wado hanaanka doorasho uu wado madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo ee Saciid Cabdullahi Deni.

Waxaa xusid mudan, in Guddiga ay qaateen mabda'a ah in doorashada Qof & Cod ay maanta qabsoonto ama inayna waligeed dhici doonin sida uu hadalka u dhigay Gudoomiye Jebiye.

Mas’uuliinta ku aragti ah Madaxweyne Siciid Deni kuna taageersan muddo kordhinta ayaa ku celceliyay hadaladaas intii uu Deni xilka hayay.

Shirkan jaraa’id ee PEC ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadka yahay uu u fidiyay mucaaradka wadahadal, balse dadka u dhuun-daloola siyaasadda Puntland ayaa shaki ka qaba daacadnimada tallabadan.

Waxaa sidoo kale walaac laga muujiyay xilliga uu ku soo aaday hadalka guddiga PEC, iyadoo Deni sheegay shalay in uu ku adkaysan doono hanaanka doorasho ee Qof iyo Cod oo Muddo Kordhinta ku hoos duugan.

Arrintaas ayaa soo jeedinaysa in aan si dhab ah looga go'an wada-xaajoodka waxayna iftiiminaysaa isku milanka guddiga PEC iyo maamulka talada haaya.

Tallaabooyinka PEC iyo Deni ayaa sii xoojiyay shakiga shaki laga qabay hufnaanta iyo cadaaladda hannaanka doorashada ay u hanqal taagyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM