Guddiga PEC oo qaaday tallaabo ka hor imaanaysa baaqa wadahadalka ee Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Guddiga lagu muransan yahay ee arrimaha doorashooyinka (PEC) ayaa goor-dhoweyd shir jaraa’id uu qabtay uga hadlay jadwalka Doorashada.

Bayaanka guddiga ayaa lagu sheegay in la bilaabayo barnaamijyo wacyigelin ah oo lala kaashan doono hay'adaha ay khusayso. 

Guddiga waxa kale oo ay muddeeyeen wakhtiga la qabanayo diwaan-galinta codbixiyayaasha waxayna ku beegeen 16-ka bisha December, iyaga oo cadeeyey inay ka go’an tahay in la sii wado hanaanka doorasho uu wado madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo ee Saciid Cabdullahi Deni.

Waxaa xusid mudan, in Guddiga ay qaateen mabda'a ah in doorashada Qof & Cod ay maanta qabsoonto ama inayna waligeed dhici doonin sida uu hadalka u dhigay Gudoomiye Jebiye.

Mas’uuliinta ku aragti ah Madaxweyne Siciid Deni kuna taageersan muddo kordhinta ayaa ku celceliyay hadaladaas intii uu Deni xilka hayay.

Shirkan jaraa’id ee PEC ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadka yahay uu u fidiyay mucaaradka wadahadal, balse dadka u dhuun-daloola siyaasadda Puntland ayaa shaki ka qaba daacadnimada tallabadan.

Waxaa sidoo kale walaac laga muujiyay xilliga uu ku soo aaday hadalka guddiga PEC, iyadoo Deni sheegay shalay in uu ku adkaysan doono hanaanka doorasho ee Qof iyo Cod oo Muddo Kordhinta ku hoos duugan.

Arrintaas ayaa soo jeedinaysa in aan si dhab ah looga go'an wada-xaajoodka waxayna iftiiminaysaa isku milanka guddiga PEC iyo maamulka talada haaya.

Tallaabooyinka PEC iyo Deni ayaa sii xoojiyay shakiga shaki laga qabay hufnaanta iyo cadaaladda hannaanka doorashada ay u hanqal taagyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM