Guddoomiyaha Baarlammaanka PL oo ka hadlay doorashada 2016 [Dhegeyso]

Image

July 30,  2015 (GO)- Af-hayeenka Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Siciid Xasan Shire oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee 2016.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Baarlammaanka iyo xukumadda Puntland  soo saari doonaan go'aan midaysan oo ku saabsan arrimaha ka socda magaalada Muqdisho.

"Dowladda ayaa qiratay in aysan qaban karin wixii loo igmaday ee ahayd inay dalka doorasho gaarsiisaan 2016, Madaxwaynaha Dowladda Federaalka dalka wuxu ku matalaa Federaalnimo iyo ra'yiga la isku keenay, marka hadduu yiri annaa go’aamo u gaaraya waa qalad" ayuu yiri.

Dhinaca kale, Siciid Shire ayaa xusay in aysan raali ka noqon doonin dib u dhaca ku yimi balanqaadkii xukuumada ee ahaa doorasho dadwayne oo la qaban  doono 2016 dib loogu noqdo doorasho Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM