Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo diiday liis-ka “ay soo gudbisay” Madaxtooyada

Image
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Puntland ay u baahantahay badbaado

GAROWE, Soomaaliya - Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland Isaaq Axmed Xasan oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa ka hadlay war-murtiyeedkii shalay ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Isxaaq Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Puntland inay faragelin ku heyso howlaha guddiga, isla markaana ay diyaarisay liis ay ku jiraan ْXildhibaano aan soo marin habraac sax ah, taasoo keentay khilaaf xooggan oo soo kala dhex gala xubnaha guddiga.

Gudoomiyaha ayaa yiri: “Waxaan u cadeynayaa Shacabka Puntland in wixii xalay dhacay wax ka jiro malahan, Waxaa loo baahanyahay in sharci lagu shaqeeyay ee in nin rabitaankiisa lagu shaqeeyo looma baahna”.

Wuxuu intaas gudoomiyaha ku daray in Puntland ay u baahantahay badbaado, isaga sheegay oo carrabka ku dhuftay in hadii sidaan wax u socdaan ay helis ku tahay jiritaanka Puntland.

Waxaa xusid mudan in Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada ay xalay soo saareen liis muran dhaliyay oo ka kooban 66 Xildhibaan oo rag u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM